Quantcast
Channel:
Viewing all 12338 articles
Browse latest View live

Kooxo hubeysnaa oo Magaalada Muqdisho ku toogtay Haweeney Dowlada ka tirsaneyd

$
0
0

Maleeshiyaad taabacsan Al-shabaab ayaa Magaalada Muqdisho ku dhextoogtay Haweeney gudoomiye Waaxeed ka aheyd Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Haweeneydaasi oo kamid aheyd Gudoomiye waaxeedyada Degmada Xamarjajab ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa rasaas ku hubsaday Maleeshiyaadkaasi oo markii hore dhaacaw culus u geystay Haweeneyda.

Haweeneyda oo magaceeda lagu sheegay Saciido Sheekh Mursal, ayaa u dhimatay dhiigbax kadib markii rasaasta looga dhuftay qeybaha sare ee jirkeeda.

Mid kamid ah Saraakiisha Ciidamada ee ka howlgala Degmada ayaa Idaacada VOA-da laanteeda afka Soomaaliga u sheegay in Kooxda dilka geystay ay dilka kadib goobta ka baxsadeen.

Dilalka noocaani ah ayaa inta badan ka dhaca Magaalada Muqdisho, iyadoona inta badan Maleeshiyaadka ay goobta ka baxsadaan dilka kadib sida caadaduba ah.


Ismarasho Waa Ma Huraan Aan Lagu Kala Hareyn Balse Lagu Kala Hormarayo. W/Q Dr. Saciid Ciise Maxamud

$
0
0

Madaxda sare ee ku guuleystey doorashadii 2012ka ka dhacday Soomaaliya ma aysan noqon kuwo la mahdiyey hogaankooda kadib markii ay ku guuldareysteen dhameystirka qorshihii dib loogu dhisayey dowlad Soomaaliyeed oo dhameystiran,iskeedna isku maamuli karta. Qorshahaas waxaa ka dhimanaa in la sameeyo maxkamadda dastuurka, dib u eegista dastuurka qabyada ah, dib u curinta hayadaha aasaasiga ah ee dowladda, iyo curinta xeerarka shacabka u diyaarinaya iney galaan doorasho guud oo dimoqaraadiya oo dalka ka dhacda 2016ka.

Taariikhdu markey ahayd July 28, 2105,waxey ahayd maalin lagu dhiiradey in la sheego run qaraar oo wakhti badan la qarinayey kadib markii ay madaxda sare ee Soomaaliya ay ku heshiiyeen iney ku dhawaaqaan Soomaaliya ineysan doorasho guud ka dhaci karin 2016ka. Hadalkaas wuxuu xambaarsanaa dareen abuuray dhiilo, rajo xumo, iyo balan ka bax ay ku mideysan yihiin madaxda Soomaaliyeed iyo bulshada caalamka, waxaana shacabka Soomaaliyeed u soo baxday ineysan harin wax dambe oo laga sugto isbaheysiga caalamka iyo madaxda Soomaaliyeed. Balanxumadu waa dhaqanka ugu liita oo looga cabir qaato shaqsiyad aan caqiidadeeda lagu aamini karin. Shacabka Soomaaliyeed waxey ka aamin baxeen hadalada beenta ah ee ka soo yeera bulshada caalamka iyo madaxda Soomaalida, waxeyna gaareen heer ay ka quustaan waxqabad dambe oo laga sugo iyo xilkasnimo lagu aamino madaxda Soomaaliyeed ineysan harsaneyn.

Waxaa lama huraan noqotay kadib markii lagu guuldareystay in la dhiso dowladnimo xalaala oo ku dhalata rabitaanka shacabka, in la bilaabo burburinta beenabuurkii la soo sameeyey 2012. Markii ay cadaatay in lagu hungoobey balanqaadkii lagu doortay madaxda sare oo loogu igmaday in shacabka ay gaarsiiyaan doorasho xor ah sannadka 2016ka, ayaa hadda balantu waxey noqotay in 2016ka la hiigsado in shacabka nabad lagu gaarsiiyo meeshii laga soo hayaamay 2012. Bulshada caalamka oo ay horkaceyso UNka ayaa ka dalbaday Soomaalida iney wadatashi ku soo gudbiyaan tilaabada bedelkeeda laga qaadayo burburka ku yimid Hiigsiga 2016ka. Iyadoo laga tilmaan qaadanayo aragtidaas ayey xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliyeed waxey hogaamiyaha Soomaaliyeed u soo jeediyeen eedeymo aad u culus oo haddii lagu helo uu ku muteysan karo in maxkamad lagu soo taago, ciqaabteedana la marsiiyo. Hogaamiyaha ugu sareeya dowladda Soomaaliyeed marar badan waa loo soo jeediyey inuu xilka isaga dego isagoo u tanaasulaya maslaxadda shacabka Soomaaliyeed, laakiin sida muuqata marna wax garawshiyo ah kama muujin. Bulshada Caalamka jawaabta ay deg dega u heshay ma ahan mid ay fileysey oo raacsan go’aanka ay sida qarsoodiga ah u gaartey oo ah iney qariidad cusub u jeexdo fulinta hawlaha kala dhantaalan, si xeeladeysana hawlgab uga dhigto madaxdii hore, kuwo cusubna ay soo saarto awooda. Isbedelka qunyar-socodka ku saleysan oo ay hogaamineyso UNka waa midka maanta dhaliyey waxqabad la’aanta marka laga soo bilaabo dadaalkii ay soo bilaabeen 1993. Soomaalida in la isku daayo waxey dhaanto ma leh oo iyaga lagu ixtiraamo go’aan ka gaarida aayaha dalkooda.

Waxaa mudan in la soo dhaweeyo dalabka ay xildhibaanadu ku cadaadinayaan hogaamiyaha Soomaaliya inuu xilka si nabada isaga dhiibo, waana tilaabo xaqa oo ugu dambeysta ku soo biyo shubaneysa in xilka si sharciya looga qaado. Hogaamiyuhu wuxuu ku qasban yahay ama inuu noqdo mid sharcigu xoog xilka uga qaado ama si xilkasnimo leh mid u tanaasula oo labaduba ay ka turjumayaan inuu yahay shaqsi ku xukuman inuu dhaco. Waxey kooxda ka talisa madaxtooyada ku caan baxday xirfada loo qorsheeyo dheereeynta hawalaha la rabo in wakhtiga lagu daahiyo. Sida ka muuqata kooxdaas waxey doorbidayaan sannadka u dhiman inta badan iney ku dhameystaan isjiid-jiid iyo iskadabawareeg xeeladeysan oo suurtogelisa in dhamaadka 2016ka lagu wada gaaro meel ebera oo cid walba awoodii ay lahayd gacanteeda ka baxday. Falcelintooda ugu horeysa waxey ku bilaabatay iney garaacan durbaan qalalaase oo ay buun ugu yeerinayaan caadifad qabyaaladeed kooxihii beeleysiga iyo burcadnimada ay dowladnimada iskaashiga kula sameysteen. Dagaal diimeed iyo midka qabyaalada Soomaalidu waa ka sii adkaaneysa, cida gadaal ka soo gasha dagaal lagu kala adkaaday waxey u muuqataa tacab shiidle.

Haddii ay dhacdo in si deg deg ah loo tuuro hogaamiyaha, wuxuu sharcigu u ogolaanayaa in gudoomiyaha baarlamaanka uu si kmg talada dalka u hogaamiyo. Gudoomiyaha baarlamaanka ma lahan tayo hogaamineed oo lagu aamini karo oo uu hal saac keliya dalka ku xukumi karo. Waxaa xusid mudan Sheikh Mukhtar Mohamed Hussein oo xilka madaxweynenimada dhaxal sharciya ku helay october 15, 1969, kaas oo usbuuc kadib hogaamintiisu u horseeday afgembigii dalka ka dhacay. Xogtaas waxey tilmaameysaa marka hore in la rido gudoomiyaha baarlamaanka oo la soo doorto gudoomiye u muuqda mid shacabka gelin kara dareen lagu kalsoonaan kara hogaamintiisa, dalkana gaarsiiya doorasho deg deg ah oo loo sameeyo madaxweynaha iyo xildhibaanada 2016ka, taas waxey keeneysaa in madaxweynahaas kmg ah la siiyo fursad ah hal sanno si uu dalka uga hirgeliyo doorasho kmg. Madaxweynahaas kmg oo dhaxaltooyo sharci ku yimid xilkiisu wuxuu ku koobnaan karaa sannadka kala guurka oo noqon karta Septemper 2015 – October 2016.

Hogaamiyaha hadda jira uma suurtoobeyso inuu dalka geliyo xaalad deg deg ah oo u saamaxda inuu kala diro baarlamaanka, waayo ciidan iyo shacab u hogaansamaya amarkiisa ma jiro oo uu xukumo, waayo awoodiisu ma gaarsiisna heer qaranka oo dhan ay taladiisu ka shaqeyneyso, wuxuuse awooda gorgortanka uu ku baxayo inuu shardi uga dhigo in doorasho deg deg ah ay dalka ka dhacdo bilowga sannadka 2016ka. Heshiiska lagu gaaro doorashooyinka la soo hormariyo waxey u dhigantaa kala dirista baarlamaanka. Haddii lagu heshiiyo bisha february 2016ka in la bilaabo ololaha doorashooyinka,waxaan la hureyn in la siiyo musharixiinta baarlamaanka saddex bilood oo ay ku sameeyaan ololahooda doorashada, kadibna ay ku soo dhamaato doorashada oo dhacda bisha June 2016ka. Doorashooyinku waxey ka dhici karaan shan degaan oo Soomaaliya loo qeybiyo, degaan kastana degmo ka mida la isugu geeyo labaatan kun oo soo dooranaya xildhibaanada degaankooda.

Tiradaas badan waxey meesha ka saareysaa in doorashadu u dhacdo si musuq ah iyo shacabka degaanadaas iney helaan tiro ku filan oo qeybaheeda kala duwan u mateli kara, waxaa intaas wehliya in amaanka hal degmo oo dadka la isgu geeyo ay suurtogal tahay in la damaanad qaado. Waxaa kaloo xusid mudan in doorashooyinka ka dhacaya Soomaaliya caalamku u qoondeeyey lacag ku dhow hal bilyan oo Dollar, taasna waxey fursad u tahay degaanada Soomaaliyeed ee lagu qabanayo doorashooyinka, waxeyna lid ku noqoneysaa dhaqaalahaas iney ku dhamaadaan gacmaha shisheeyaha. Xildhibaanadda ku guuleysta doorashadaas ayaa dejin doona xeerarka loogu diyaar garoobayo doorasho guud oo dhacda 2018ka.

Bulshada caalamka waxaa indhaheeda ka hor-muuqda oo keliya lacagta dhan 900 milyan ee loogu talagalay in doorasho loogu sameeyo Soomaaliya, waxeyna dafirsan yihiin iney qeyb ka ahayeen guuldarada ku timid qorshihii Hiigsiga 2016ka. Waxey marar badan sheegeen ineysan suurtogal ahayn wakhti kororsi lagu sameeyo dowladda, waxeyna cabsi ka qabaan haddii waqtiga la kororsado in doorashadu meesha ka baxeyso. Waxaan la hureyn waa wakhti dheereyn in la sameeyo mar haddii la waayey dowlad ku timaada doorasho guud oo dimoqaraadiya, laakiin waxaan qabaa in wakhti dheereysigaas uusan ahayn mid loo sameynayo madaxda iyo baarlamaanka hadda jira laakiin waa inuu ahaado madax kmg ah oo ku imanaya doorasho kmg ah. Wixii aan ku imaan doorasho guud oo dimoqaraadiya marna ma noqon karaan dowlad rasmiya oo ka turjumeysa adeega danaha dadkooda, sidaas daradeed waxaa loo baahan yahay in la qaado hal tilaabo oo kmg oo loogu sii dhowaanayo doorasho guud oo dalka ka dhacda.

Haddii lagu heshiiyo iney baxaan gudoomiyaha iyo hogaamiyaha beelnimada logu soo xushay sannadkii 2012 oo labaduba ay aqbalaan xilka iney ka degaan september 2015ka, haddana la dhaqangeliyo in xildhibaanadu ay bisha February ku egtahay wakiilnimadoodu, shacabka Soomaaliya waxaa dib ugu soo noqoneysa rajadii ay ka qabeen iney helaan isbedel siyaasadeed oo ka shaqeeya maslaxada ummadda Soomaaliyeed. Waxaa xiliga kala guurka oo noqon kara hal sanno dalka hogaaminaya madaxweynaha kmg ah oo si toos ah u soo xulanaya golohiisa xukuumadda, kuwaas oo si kmg ah u socodsiinaya howlaha dowladda, iyaga oo ka gabsanaya heshiisyo ay galaan iyo sharciyo ay meelmariyaan ama hawlo gelin karta shacabka shaki oo ka baxsan waxyaabaha ay u idman yihiin. Waxaa lagama maarmaan u ah xiliga kalaguurka waa in la helo maamul dhexdhexaada oo lagu kalsoonaan karo hanaanka ay dalka ugu diyaarinayaan doorasho iyo iney si nabada ugu wareejiyaan xilka madaxda hogaaminta dalka loo doorto Oktober 2016ka.

Waxaan shaki lahayn iney iswadamaranayaan dowladda hadda jirta oo ah ismahurto aanan sina u kala hareyn oo iswadaraacaya si isdabajoogtana ay bixidoodu u kala hormareyso. Haddii aysan dhaceyn doorasho guud 2016ka, waxaan la hureyn xukuumad si kmg ah loo soo doorto 2016ka oo la siiyo laba sanno iyo baarlamaanka oo la soo doorto isna inuu jiro laba sanno. Sidaasna waxaa ku soo dhamaanaya xili saddex sanno ah oo shacabka ay la soo deristey hogaanxumo ka liidata kelitalisnimo. Iscasilaada madaxda sare ee dowlada waxey sidoo kale horseedi kartaa burbur xoogan oo ku yimaada isbaheysiyada siyaasadeed ee ku midoobey mucaaradnimada ay kaga soo horjeedaan hogaanxumada ka jirta madaxtooyada. Waxaa sidoo kale suurtogal ah in bulshada caalamku ay ergooyinkooda wax ka bedesho si ay isaga caabiso eedeymo uga yimaada deeq bixiyeyaasha. Isbedelka siyaasadeed wuxuu qasbayaa oo kale in ciidamada Itoobiya iyo Kenya laga saaro AMISOM si looga adkaado ama ay u soo afjaranto taageerada ay shacabka ka heleyaan xoogaga mitidiinta oo ah mucaarad hubeysan.

Xisbiga Dadka wuxuu soo dhaweynayaa xil ka qaadista lagu sameynayo hogaamiyaha Soomaaliya, wuxuuse uga digayaa xildhibaanada ineysan ku kadsoomin kartixumada gudoomiyahooda oo u muuqda kalaguurka inuusan ka soo kici karin. Wuxuu talo ahaan soo jeedinayaa xisbigu in doorashada madaxweynenimada iyo tan xildhibaanada lagu saleeyo tartan ay kuraasta ugu loolamaan xisbiyo siyaasadeed oo kooban oo aan ka badneyn saddex xisbi oo heer qarana. waxaa haboon in mudnaanta la siiyo baarlamaanka cusub inuu qabto tartanka madaxweynenimada oo ciddii daneyneysa ay u tartanto,baarlamaankuna uu doorasho uga soo dhex xulo labada qofood ee ugu codka sareysa, labadaas qofna la siiyo fursad saddex bilood ah oo ay ku sameeyaan olole ay dadka ugu soo bandhigayaan siyaasadahoodu dhanka ay u jeedaan iyo hogaamintoodu waxa ay ka qabaneyso dhibaatooyinka haysta dowladnimada ummadda Soomaaliyeed. Qaabka ay doorashadu u dhaceysana ay raacdo nidaamkii lagu soo doortay xildhibaanada oo ah tiro badan oo kala metelaya qeybaha kala duwan ee bulshada, laakiin markaan dhamaantood la isugu geeyo hal meel iyo hal magaalo oo amaankeeda xoog loo sugo. Ma aaminsanin in bulshada caalamka oo ay horkaceyso UNka ay wax maslaxada u hayso shacabka Soomaaliyeed, waxaana hadda la soo gaarey wakhtigii ay Soomaalidu aayaheeda u tashan lahyd.

Dr. Saciid Ciise Maxamud
Gudoomiyaha Xisbiga Dadka
saciidciise258@aol.com
Maine, United States

Madaxweyne Xassan oo maanta lagu wado inuu kulamo la qaato Madaxda dalka Isutagga Imaaraadka

$
0
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo ayaa gaarey magaalada Abu Dhabi ee xarunta dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, halkaa oo ay uga bilaabatey booqasho rasmi ah.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa martiqaad rasmi ah ka heley hoggaamiyaha Imaaraadka Carabta, waxaana maanta u bilaabanaya kulamo kala duwan oo la xiriira xoojinta xiriirka ka dhexeeya labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in booqashadan ay ka tarjumeyso xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal, iyo doorka wanaagsan ee ay mar walba Dowladda Imaaraadka Carabta ka cayaareyso arrimaha Soomaaliya.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibedda Cabdisalaam Hadliye Cumar, Wasiirka Gaadiidka Dhulka iyo Duulista Hawada, Cali Axmed Jaamac (Jangeli) iyo mas’uuliyiin kale oo dowladda ka tirsan.

Hooyada Shahid Kapoor ee Neelima Azeem oo dooneysa iney ku soo laabato Filim jilista

$
0
0

Hooyada Dhashay Aktarka Shahid Kapoor ee Neelima Azeem ayaa sheegtay iney ku soo laabaneyso Filim jilida oo mudo dheer ugu dambeysay.

Neelima Azeem ayaa ku mashquushay sanadka 2015 guurka wiilkeeda Shahid kapoor waxaana ay cadeysay iney macquul tahay iney ku laabato Bollywoodka.

Shahid-Kapoor-with-his-mother-Neelima-Azim-and-half-brother-ishaan-khattar

“waan ku laabanayaa Filimada hadii aan helo Filimo sheekadooda ay wacan tahay waaana aqbali doonaa inaan jilo,mudooyinkan waxaa jira doorar adag balse waxaan ka doorbidayaa kuwa fudud ayey tiri Neelima Azeem.

Shahid Kapoor walaalkii ka yar Ishaan ayaa isagana doonaya inuu ku soo biiro Filimada waxaana ay sheegtay Neelima Azeem iney ka hor istaageyn wiilkeeda inuu ku soo biiro Filimada waxaana uu ku fiican yahay ayey tiri daansiga.

Kooxda Frank Lampard,Pirlo iyo David Villa oo laga badiyay markale+sawiro

$
0
0

Kooxda New York City oo uu ka tirsan yahay  Frank Lampard ayaa markale laga badiyay.

Xiddigii hore kooxaha Chelsea iyo Man City ayaa guuldarooyin la qeybsanaya kooxda MLS tan iyo markii uu ku biiray xagaagan.

2-1 ayaa looga badiyay markana kooxda New York City.

Frank Lampard ayaa ku soo bilowday ciyaarta laakiin wax gool uma uusan dhalin kooxdiisa.

Daqiiqadii 83 aad waxaa goolka guusha ka dhaliyay isagoo badal ku soo galay Justin Meram.

Frank Lampard makes a run during a solid run out in New York City's late defeat to Columbus
Justin Meram fired home the winner seven minutes from time as the Crew caused an upset at Yankee Stadium
Andrew Jacobsen (centre) is congratulated by his team-mates after equalising for New York City

TOP:Neymar oo cadeeyay inuusan ku biireyn kooxda Manchester United

$
0
0

Neymar ayaa Albaabada ka xertay kooxda Manchester United oo si waali xagaagan u raadineysay.

Manchester United ayaa dooneysay inta uusan suuqa xermin in rikoor lacageed oo qaali ah ay kula wareegto kabtanka dalka Brazil.

2BC8A1B900000578-0-image-a-21_1440892235474

Laakiin Neymar oo xalay u saftay Barcelona kulankiisii ugu horeeyay horyaalka La Liga ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay Barcelona.

“waxaan doonayaa inaan sii joogo Barcelona,waxba ma ahan dalabka lacageed ee Milyamaadka ah ee ka imaanaya England ayuu yiri.

Isagoo la hadlayay TV3 waxaa uu hadalkiisa intaa ku daray inuu ku qanacsanyahay la jooga saaxibadiisa iyo kooxdiisa.

23 jir Neymar ayaa lagu wadaa inuu dhawaan qalinka ku duugo heshiis mudo shansano ah taas oo ka dhigeysa xiddiga labaad ee ugu mashaarka badan sanadka Barcelona kadib Lionel Messi.

Chelsea oo lagu garaacay saxiixa daafaca bartilmaameedka u ahaa ee Aymen Abdennour

$
0
0

Kooxda Chelsea ayaa ku guuldareysatay la soo wareegida daafaca kooxda Monaco Aymen Abdennour kadib markii ay heshiis la gaartay xiddiga kooxda La Liga ee Valencia.

Rajo kasta oo laga qabay inuu ku biiro Stamford Bridge ayaa soo afjarantay waxaana shaacisay iney heshiis la gaartat Valencia oo daafacooda uu kaga biiray Man City.

2BC0666000000578-3215426-image-a-9_1440868609220

Jose Mourinho ayaa go’aansaday inuu la soo wareego daafacan kadib markii uu ku guuldareystay helida John Stones.

Ciyaaryahanka u dhashay Tunia ayaa la sheegay inuu heshiis shansano ah u saxiixayo kooxda Spain.

Isagoo la hadlayay Abdennour websetka kooxda Valencia waxaa uu sheegay inuu ka doortay kooxdan kooxaha kale ee rabay sida Chelsea.

Aymen Abdennour ayaa sidoo kale sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu ka ciyaaro horyaalka  ugu fiican Adduunka ee La Liga.

Tani waxaa ay ka dhigan tahay Jose Mourinho inuu ku qasban yahay daafacyadiisa u jooga inuu iska aamino gaar ahaan kabtankiisa Jon Terry oo beryahan uu ku kacsan yahay.

Bayer Leverkusen oo qarka u saaran la wareegida Javier Hernandez

$
0
0

Manchester United ayaa u ogolaatay gool dhaliyaheeda Javier Hernandez inuu ka tago Old Trafford waxaana ku dhow iney qaadato Bayer Leverkusen.

Louis van Gaal ayaa aaminsan inuu heysto xiddigo badan oo weerar ilaa dhexe kana maarno ciyaaryahanka reer Mexico.

2BAFCBCE00000578-0-image-a-26_1440872255472

Bayer Leverkusen  ayaa dooneysa wiilkii hore Alex Ferguson iney ka ciyaarsiiso koobka horyaalada qaarada Yurub ee Uefa Champions league.

Van Gaal waxaa la sheegay Javier Hernandez badalkiisa inuu keeni doono xiddig garbaha ka ciyaari kara.

Kuma qanacsana tababaraha Holland wiilkan waxaana jirtay inuu aad uga carooday toddobaadkii hore markii uu qasaariyay rigoore kulankii United iyo Bruges.

Van Gaal waxaa uu ku faraxsan yahay weeraradiisa sida Wayne Rooney , Marouane Fellaini , James Wilson, Memphis Depay iyo Adnan Januzaj .

 


Real Madrid oo ku dhow la wareegida Goolhaye David de Gea

$
0
0

Real Madrid ayaa la sheegay iney ku dhowdahay in £29milyan ay kala soo wareegto Manchester United goolhayaheeda David de Gea.

24 jirkan ayaan wali marna u safan xagaagan kooxda Manchester United waxaana uu doonayaa in la fasaxo.

david-de-gea

Independent ayaa sheegeysa Real Madrid iney Ergo u dirtay magaalada Manchester si ay u soo afjaraan heshiiska de Gea xili uu jiro heshiis ay si gaar ah ula gaareen horay xiddiga.

Wargeysyada waxaa kale oo ay sheegayaan Los Blancos iney diidan tahay in heshiiska ay qeyb ka dhigto Gareth Bale.

David de Gea ayaa sanadkii 2011 waxaa uu ka tagay Atletico Madrid kuna biiray Manchester United.

131 kulan ayuu u saftay Man United waxaana uu la qaaday horyaalka Premier league 2012/13 markaas uu tababare u ahaa Alex Feguson.

Chelsea oo ku afar afareysatay saxiixa daafaca Ezequiel Garay

$
0
0

Kooxda Chelsea ayaa la sheegay in bartiilmaameedkeeda ay u weecisay daafaca Ezequiel Garay oo ka tirsan kooxda Zenit St Petersburg.

Chelsea ayey labo guuldaro ku dhacday waxaana horay loogu soo diiday daafaca kooxda  Everton John Stones.

Kadib waxaa ay Chelsea go’aan ku gaartay iney la soo wareegto daafaca kooxda Monaco Aymen Abdennour laakiin xiddiga Tunisia ayaa heshiis la gaaray kooxda Valencia.

ezequiel-garay

Mourinho ayaa rabay Garay markii uu tababaraha u ahaa kooxda Real Madrid.

28 jirkan reer Argentina ayaa 31 jeer u saftay dalkiisa.

Suuqa kala iibsiga ayaa lagu wadaa in la soo xero habeenka Tallaadada.

Sinisa Mihajlovic oo aan ku faraxsneyn guushii AC Milan ay ka gaartay Empoli.

$
0
0

Tababaraha AC Milan Sinisa Mihajlovic ayaa sheegay inuu dareemayo Milan in laga badiyay xili ay 2-1 ugu adkaadeen kooxda Empoli.

Gool qeybta labaad uu dhaliyay Luiz Adriano ayey ku gaartay guul AC Milan.

sinisamihajlovic-cropped_duf9r8g2jlb01budtl4tbjw32

Carlos Bacca ayaa Milan hogaanka u dhiibay laakiin waxaa ka bar bareeyay Riccardo Saponara si dhib badan ayeyna ku adkaatay Milan.

“waxaan dareemayaa in leyga badiyay,ma dhihi karo waan faraxsanahay.

“wali wax iskama badalin Milan xagaagii hore oo kale,Milan uma aysan qalmin guushaan ayuu yiri Sinisa Mihajlovic.

Mihajlovic  ayaa sheegay inuusan arkin xalay wax fiican kaliyana uu u mahadcelinayo dhaliyaashiisa Bacca iyo Adriano.

Goolhaye Romero Oo Hadal Xaqiiqo Ah U Sheegey Kooxdiisa Manchester United.

$
0
0

Goolhayaha cusub ee kooxda Manchester United Sergio Romero ayaa waxaa uu sheegey in uu diyaar u yahay in booskiisa joogta ah ee kooxda uu u dagaalamo.

Xiddigaan Romero ayaa xagaagan ku soo biirey kooxda Manchester United waxaana uu kooxdiisa uwada saftey dhamaan kulamadii ay ciyaartey horyaalka xili ciyaareedkan.

Romer

Haddaba Romero ayaa waxaa uu sheegey in uu Manchester United uu u yimid sidii uu ula gaari lahaa guulo joogta ah si ay midaas u dhacdana waxaa uu sheegey in uu diyaar u yahay in uu u dagaalamo booskiisa joogtada ah.

” Muhiimadeyda ugu weyn ee aan halkan u imid waa in kooxda aan guulo la gaaraa, waanan u dadaalayaa midaas” waxaa sidaa yiri goolhaye Romero.

David De Gea oo ah goolhayihii kowaad ee kooxda United-ka ayaa waxaa uu u muuqdaa mid ka si jeeda kooxdiisa United-ka waxaana uu u sii jeeda dhanka Real Madrid oo aad u dooneysa.

Macalin Van Gaal Iyo Hadalkii Uu ka Yiri Kulanka Maanta Ay Manchester United Wajaheyso Swansea City.

$
0
0

Macalinka reer Holland ee leyliya Manchester United Luis Van Gaal ayaa waxaa uu ka haldey kulanka ay maanta kooxdiisa wajaheyso kooxda Swansea City.

kooxaha Manchester United iyo Swansea City ayaa waxaa ay maanta wadda ciyaarayaan kulan ku tirsan horyaalka ingriiska kaa oo kamid ah kulamadda aadka daawashadooda loo wadda sugaayo.

ggg

Haddaba Macalin Van Gaal ayaa waxaa uu sheegey in kooxdiisa ay ka go’antahay in ay ka adkaadaan kooxda Swansea si ay guul u gaaraan.
” Muhiimadeena ugu weyn waa in aan guul ka gaarnaa kooxda Swansea City, si walbuu xaal ahaadana waan ka adkaan doonaa” ayuu yiri macalin Van Gaal.

Manchester United ayaa waxaa kulankii ugu danbeyey ay la ciyaartey kooxda Newcastle United kaa oo ku dhamaadey barbaro.

Macalin Enrique Oo Amaan Ugu Qubyeeyey Daafaciisa Thomas Vermaelen Kadib Goolkiisi Xalay.

$
0
0

Luis Enrique macalinka kooxda Barcelona ee reer Spain ayaa waxaa uu amaan kala duldhacay daaficiisa Thomas Vermaelen kadib goolkiisi uu xalay kooxda u dhaliyey.

Barcelona ayaa xalay hal gool oo uu Thomas Vermaelen dhaliyey kaga adkaatey kooxda Malaga oo ay wadda ciyaarayeen kulan ku tirsan horyaalka Spain.

thomas-vermaelen-barcelona

Haddaba waxaa uu macalin Enrique Thomas Vermaelen ku tilmaamey in uu yahay hanti ay Barcelona heysato mar walabana ay u baahantahay isticmaalkiisa.

” Marka aad heysato hanti wanaagsan oo sida Thomas Vermaelen oo kale ah waxad keliya u baahanthaay in aad ilaashato” ayuu yiri macalin Enrique.

Kooda Barcelona ayaa labadii kulan ee ay ciyaartey horyaalka dalkaasi wadda badisey.

Gary Neville Oo Ciladda Kooxda Manchester United Heysata Shaaciyey.

$
0
0

Gary Neville daafacii iyo kabtankii hore ee kooxda Manchester United ayaa dardaaran fiican siiyey kooxdiisa United-ka kadib guuldaradi galabtan soo gaartey.

Manchester United ayaa maanta waxaa ay la ciyaartey kooxda Swansea City waxaana ay ciyaartaasi oo aheyd mid aad u adag ay ku dhamaatey laba gool iyo gool oo guusha ay ku raacdey Swansea City.

gary-neville-england

Haddaba Gary Neville ayaa sheegey in Manchester United ay u baahantahay la soo saxiixashadda weeraryahan dhaliye ah oo kooxda goolal badan u dhaliya ka hor inta aanu suuqa xirmin.

” Waxa ugu weyn ee ay Manchester United u baahantahay waa in ay soo qaadataa gool dhaliye tayo aad u wanaagsan leh oo koooxda ka caawiya in ay goolal bada dhaliso” ayuu yiri Gary Neville.

Manchester United ayaa kadib 4 kulan oo ay horyaalka ciyaartey xili ciyaareedkan ayaa iminka fadhisa booska 5aad.


DEG DEG Dowlada Somalia iyo Maamulka Jubbaland oo kala saxiixday Heshiis ka kooban laba qodob (DAAWO SAWIRADA)

$
0
0

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo wefdi uu hogaaminaayo, oo maanta gaaray Magaalada Kismaayo, ayaa waxay la kulmeen Madaxda Jubbaland.

Ka dib wada hadalo muddo saacado ah qaatay, ayaa waxay labada dhinac isu waafaqayn in dib loo eeggo soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland, haddii mid sharci daro ah uu ku tilmaamay Baarlamaanka Somaliya.

Qodobada labada dhinac ay ku heshiiyen

1. Maamulka Jubbaland waxa uu ogolaaday in dib u eegis lagu sameeyo habka dhismaha Baabrlamaanka Jubbaland, laguna kordhiyo inta loo arko inay ka maqantahay

2. In guddigii ay DF dhistay ee uu madaxda u ahaa Wasiirka A. Gudaha ay Kismaayo taggaan, dib u eegisna sameeyaan, lana fariistaan dhinacyada arrintu khuseyso

Ra’iisal Wasaare Sharmarke, ayaa soo dhoweeyey qodobada is afgaradkaan, wuxuuna ku tilmaamay bog cusub oo u furmay beelaha ku dhaqan goboladan, maadaama ay hogaanka maamulka Jubba tanaasul muujiyeen ayna ogolaadeen in ay xaliyaan cabashada shacabka, isaga oo xusay in arrinkani uu horseedi doono qancinta iyo soo xero-gelinta dhinacyada diidan habkii loo maray dhismaha maamulka Jubba.

Ra’iisal Wasaaraha, ayaa sidoo kale xusay in Xukuumada Federalka ay taageero dhankastaba leh ka gaysaneyso dhaqangelinta is afgaradkan iyo meel marintiisaba, si loo helo maamulo sal adag oo ka tarjumaya rabitaanka shacabka, ugu dambeyntiina loogu gogol xaaro taabagelinta geeddi socodka 2016.

Ra’iisal Wasaaraha iyo wafdigiisii, ayaa galabta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho, ka dib heshiiskan, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda ay bilowdaan dhaqangelinta qodobada ku xusan heshiiskan.

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida oo gaartay go’aan yididiilo leh

$
0
0

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Somaliya, ayaa waxaa lagu wadaa inay dhawaan xarumo ka furato dhulkii toddobaadyo ka hor laga saaray Ururka Al Shabaab.

Xasan Cali Shuute, Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida, oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay dhulkii laga saaray Shabaab inay u baahan yihiin Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida in laga hirgeliyo.

“Deegaanada Al Shabaab laga saaray waxay u baahan yihiin in laga hirgeliyo Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida. Dhawaan waxaa nabadiidka laga saaray deegaano ku yaala Gobolada Koonfureed iyo Gobolka Hiiraan.” Ayuu yiri Gudoomiyaha.

Waxa kaloo uu yiri “Dhawaan waan taggi doonaa meelaha laga saaray Al Shabaab, waxaana ka hirgelin doonaa Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.”

“Ujeedada Maxkamadda looga hirgelinaayo dhulkaasi waxaa weeye, sidii loogu ciqaabi lahaa nabadiidka ka tirsan Al Shabaab iyo Ciidamada Dowladda, kuwa u bareera inay shacabka dhibaateeyan.” Ayuu yiri Xasan Cali Shuute.

Shuute, ayaa intaa raaciyay “Ciidamada Dowladda waxaan kaga digeynaa inay shacabka ku dhibaateeyan meelaha laga saaray nabadiidka. Qoriga waxaa la idinkugu dhiibay inaad shacabkiina ku difaacdan. Maxkamadda way ciqaabi doontaa askarigii falkaasi lagu helo.

Galmudug iyo caqabadaha ku xeeran!!. W/Q Cabdinuur Faarax maxamuud

$
0
0

Galmudug waa maamulkii hore ee qeyb kamida Mudug ka talin jiray waxaase magacaas dib loo sharciyeeyey kadib markii Degamada Cadaado ay isku tageen ergooyin ka kala yimid Gal-Gaduud iyo qayb kamida Mudug waxaana Cadaado lagu doortay siyaasiga Cabdikariin Xuseen Guuleed, maxaase horyaal ?..

4-bishii luuliyo 2015, ayaa Magaalada Cadaado loogu doortay inuu noqdo Madaxweynaha Maamul Galmudug, oo hada sal dhig u ah Degmada Cadaado, Guuleed waxaa la tartameysay ilaa shan Musharax, oo xilkaasi isku soo taagey. Waxaase Cabdikariin Xuseen Guuleed uu ku guuleystay doorashadaas.. waxaase MR Guuleed horyaal dhawr caqabadood, asaas u ah mustaqbalka maamulka Galmudug..

Cabdikariin ayaa soo noqday wasiirkii arrimaha gudaha iyo amniga Soomaaliya xukumadii Cabdi Faarax Shirdoon wuxu kale oo so noqday wasiirkii amniga qaranka Soomaaliya xiligii xukumaddii Cabdiwali Shiikh Axmad.

24-kii bishii May) ayuu iska casilay xilka wasiirkii amniga Qaranka ),markii daggaal-yahano ka tirsan Ururka Al Shabaab ay weerar ku qaadeen Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya Ee Magaallada Muqdisho. C/kariin wuxuu markaasi sheegay isagoo qiimaynaaya xaalku uu dalku ku maraayo , in uu xilkaasi iska casilay..

Hayeeshee Cabdikariin kama uusan ag fogaan xayn daabka madaxtooyada Villa Soomaaliya wuxuuna si hoose u noqday la taliyaha madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud..

Cabdikariin waxaa loo doortay maamulk aan buuxun sharuudihii maamul goboleed ee dalka loo dajiyey ergadii an sixisay dastuurka Galmudug ayaa Cabdikariin u sheegay in uu xukumo Mudug iyo Galgaduud, waxase ka hor yimid arrimo xoogan oo mucaaradnimo ah..

Puntland oo aan aqoonsan Galmudug

Puntlandayaan aqoonsan maamulka laga dhisay Cadaado kadib markii ergooyinkii Dastuurka Galmudug ansixiyey ay sheegeen in xudduudkoodu yahay Bartule in kastoo mar dambe ay ka labteen

Ehelu sunna

Ururka Ehelu sunna oo ka taliya Dhuusa mareeb ayaan aqoonsan kana hor yimid doorashada Cadaado ka dhacday 4, bishii Juuliyo.2015, waxaana dhuusa mareeb ka dhacday doorasho kale oo loogu magic daray maamul Goboleedka Gobollada dhexe kaasoo ay hoggaamiyaan Ururka hubeysan ee Ehelu sunna wal jameeca),

Madaxwaynaha Galmudug C/Kariin, ayaa waxaa muddo ku qaatay soo magacaabista Golihiisa xukumadda wuxuuna ugu dambayntii ku dhawaaqay Gole wasiiro oo ka kooban 24, wasiir 24, wasiir ku xigeeno iyo 4, wasiiru dawle

Qeyb kamida Xildhibanada Galmudug

waxaa dhaliilay qaabka siyaasadeed ee MR Guuleed Xildhibaanadda Galmudug 33, kamida ayaa cadaado ka sheegay inuu madaxwayne Cabdikariin jabiyey qodobk kamida dastuurka Galmudug ayagoo saxaafadda u sheegay dariiqa uu u maray magacaabista gollaha wasiirada iyo heshiis uu la galay shaqsiyaad kamida wadaadada Ehelu sunna..

Ugu dambayntii”

Ugu damayntiina siyaasadda Cabdikariin Xusen Guuleed ayaa ah mid cakiran marka loo eego caqabado siyaasadeedka ku xeeran dadka siyaasada indha indheeya ayaa sheegaya awalba inuusan Cabdikariin tageero ka haysan bulshada Gobollada dhexe ee uu meesha ku yimid tageerada Madaxwaynaha Soomaaliya oo ay aad isku dhawyihiin Mr Cabdikariin..

Waxaa looga fadhiyaa sidii u wajihi lahaa arrimaha ku xeeran ee kala ah Ehelu sunna oo ah urur hubeysan Puntland oo aan aqoonsanayn doorashada Gal Mudug, Xildhibaanada Galmudug oo hada ku kala qaybsan siyaasada Cabdikariin uu ku hagayo maamulka galmudug..

Falanqeeye arrimaha bulshada
Cabdinuur Faarax maxamuud
Abdinuur02@gmail.com

Caqabado xoogan oo soo foodsaartay Najib Razak iyo xaalka Malaysia oo alow sahal ah

$
0
0

Ra’iisal Wasaaraha Malaysia, Najib Razak, ayaa waxaa la soo dersay cadaadis gudaha ah, oo looga dalbanaayo in uu shaqada isaga taggo, xilli ay soo baxeen musuq maasuq la sheegay in uu ku kacay.

Sabtidii iyo Axadii, ayaa waxaa Magaalada Kuala Lumpur ka dhacay banaanbaxyo looga soo horjeeda Ra’iisal Wasaaraha, si uu xafiiska shaqada kaga taggo.

Waxaa suuqa soo galay warar sheegaya in Ra’iisal Wasaaraha uu deeq bixiyeyaal ka qaatay adduun lacageed oo dhan 700 oo milyan oo dollarka Mareykanka, isla-markaana uu mallaayiin dollar ku haysto xisaabaad u gaar ah.

Culeyska la soo dersay Ra’iisal Wasaaraha, ayaa sii xoogeystay markii uu banaanbaxyada si layaab leh uu kaga soo dhex muuqday Ra’iisal Wasaarihii hore ee dalka Malaysia, Mahathir Mohamad.

Mahathir Mohamad oo ah nin ay si weyn u ixtiraamaan dadka reer Malaysia, ayaa Xisbiga UMNO ugu baaqay in ay shaqada ka eryan Ra’iisal Wasaare Razak, si Malaysia ay markale u soo kabato.

Mahathir, ayaa si adag Ra’iisal Wasaaraha ugu dhaliilay in uu ku kacay musuq maasuq baaxad leh, isla-markaana uu ugu baaqaayo in xafiiska uu baneeyo.

Argagixisada dalka Nigeria oo wado qorshooyin walaac cusub u abuurayo Qaarada Africa

$
0
0

Saraakiisha Nigeria ayaa sheegay in ururka jihaad doonka ah ee Boko Xaraam uu doonayo in uu balaariyo goobaha uu ka hawlgalo.

Goobaha ay bartilmaameedsanayaana ay kam mid tahay magaalo madaxda ganacsiga ee Lagos.

Dawladu waxay sheegtay in ay tiro dad ah ka xirxireen magaalada Lagos iyo goobo aad ooga fogfog meelaha ay caadiyan uga hawl galaan Boko Xaraam, xiritaankaasina uu dhacay tan iyo bilawgii bishii todobaad.

Booliiska dharcadka ah ee Nigeria ee loo yaqaano DSS, ayaa magacaabay 12 ruux oo ay sheegeen in ay xubno ka yihiin Bookoo Xaraam ayna ku sugnaayeen magaalad Lagos.

Qaar ka mid ah dadkaasi ayaa la sheegay in ay diyaarinayeen waxyaabaha qarxa.

Suurtagal ma aha in si madax banaan loo xaqiijiyo wararkaasi.

Booliiska DSS looyaqaano waxay sheegeen in isku daygan is balaarinta ah ee Boko Xaraam uu salka ku hayo cadaadiska ka haysta gobolka waqooyi bari, weerarada ay ururku ka wadaan gobolkaasi ayaase wali sii socda.

Viewing all 12338 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>