Quantcast
Channel:
Viewing all 12338 articles
Browse latest View live

Wadaadka ugu weyn diinta Masiixiga oo ka qeyla dhaamiyay Meydadkii laga dhex helay gaarigii xamuulka ahaa

$
0
0

Wadaadka ugu weyn diinta Masiixiga Pope Francis ayaa Axaddii shalay ka qeyliyay dhimashada 71 tahriibe oo laga dhex helay gaari xamuul ah oo looga tagay wado dhinaceed dalka Austria, isagoo shilkaasi ugu yeeray dambi laga galay bani aadnimada.

Pope Francis ayaa ugu baaqay hogaamiyeyaasha Dunida inay ka wada shaqeeyaan sidii looga hortagi lahaa dambiyada noocan ah ee ay galayaan mukhalasiinta dadka tahriibiya.

Jimcihiina , Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa sheegay inuu aad uga argagaxay oo uu ku qalbi jabay dhimashada ugu dambeysay ee muhaajiriinta ee laga soo warinayay labadaba badda iyo Berriga.

Dhinaca kale, dowladda Hungary ayaa sheegtay inay xirtay qofkii shanaad, oo ay uga shakisantahay inuu ka tirsanyahay kooxdii soo tahriibisay 71kii muhaajiriin ee dhintay.

Horay waxaa loo xiray sadex qof oo kale oo Bulgaria u dhashay iyo nin u dhashay Afghanistan oo kooxdan looga shakisanyahay.

Xigasho VOA


Rajo xumi ka dhalatay damacii ahaa doorasho Qof iyo Codkiisa

$
0
0

Waxii ka danbeeyay markii ay meesha ka baxday Dowladdii dhexe ee Madaxweynaha uu ka ahaa Alle ha u naxariistee Maxamed Siyaad Barre Soomaaliya waxaa soo maray Dowladdo kala duwan Heerkastaba ha ku yimaadeene,waxaana inta badan Dowladdihii KMG ahaa ee Dalka Soomaray lagu soo dooran jiray Dalka Dibaddiisa,waliba qaab Baarlamaani ah.

Sanadkii 2012-Bishii Augosto waxaa la soo dhisay Baarlamanka Federaalka ah oo ka kooban 275 Xildhibaan,kuwaas oo ay soo xuleen Odayaal ka soo jeeda Beelaha kala duwan ee Soomaalida.

10-kii September Xarunta Dugsiga Tababarka ee Generaal Kaahiye waxaa Xilli Habeeyn ah lagu doortay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud,waxaana uu ka guuleeystay Madaxweynihii Dowladdii KMG aheyd Sheikh Shariif Sheikh Axmed.

Waxii intaa ka danbeeyay Dowladda Soomaliya oo Taageero Fiican ka heshay Beesha Caalamka waxaa ay sheegtay in ay isbadal muuqda ay la imaan doonto oo Dalka laga hirgalin doono Nidaamka federaalka islamarkaana 2016 Doorasho Qof iyo Cod ah ay ka dhaceeyso dalka.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa horay u sheegay in ay qasab tahay in ay Dhacdo Doorasho Qof iyo Cod ah oo ka dhici doonta Goobkasta oo Dalka kamid ah.

Dadka ka hadla Arrimaha Siyaasada Soomaaliya ayaa aaminsan in ay adag tahay Doorasho ka dhacda Wadanka,Maadaama qaabka Dowladdu ay wax u wado uusan aheyn midkii loo baahnaa.

Shalay Labada Gole ee Dowladda oo kala ah Golaha Sharci dajinta iyo Xukumadda waxaa ay soo saareen Go’aan ay isku waafaqeen oo ah in 2016- aysan Dalka ka dhici Karin Doorasho Shacbi.

Cumar C/rashiid Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ah Ra’iisul Wasaarihii Saddexaad ee Xukumadda Soomaaliya ay yeelanto tan iyo waxii ka danbeeyay 2012- ayaa sicad u sheegay in ay Adag tahay in Doorasho Qof iyo Cod ah ay dhacdo.

Markuu soo baxay Go’aanka Labada Gole ee Dowladda ayaa waxaa ka hor yimid qaar kamid ah Xisbiyada Siyaasadeed,Xildhibaano iyo Waxgaradka intaba.

Salaad Cali Jeelle oo kamid ah Hogaamiyaasha Xisbiyada Mucaaradkaa ayaa qaba in Dano Siyaasadeed laga lahaa Go’aankii Xukumadda iyo Baarlamanka ay wada gareen,Dowladuna ay u sal xaaraneeyso waxti kordhin.

Sidoo kale Xildhibaan C/rixmaan Xoosh Jabriil oo kamid ah Baarlamanaka Federaalka ayaa qaba in Dowladda waxtigeedii ay ku lumisay Khilaaf iyo Isjiid jiid,waxuuna xusay in Go’aankii Labada Gole ay shalay gaareen uu yahay mid ay ku fashilmeen.

Muumin Maxamed Gariig oo kamid ah Waxgaradka Soomaaliyeed ayaa dhankiisa qaba in Waqti hore Dowladda looga baahnaa in ay sheegto in aysan dalka ka dhici Karin Doorasho Shacbi.

Dowladda federaalka ayaa horay u sheegtay in Dalka ay ka dhaceeyso Doorasho Shacbi,hadaba maxaa iska badalay,waakan Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi xayir Maareye.

Inkastoo Dad badan oo Soomaaliyeed ay qabaan Fikirka ah in Dolwdda Soomaaliya ay u gogol xaaraneyso in ay Waqti ku darsato ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh maxamuud waxaa uu dhawr jeer sheegay in aysan dhici doonin in Hay’addaha Dowladda ay Waqti kor dhin sameeystaan.

DAAWO SAWIRADA: Daacish oo sameysatay Lacago shilin ah oo laga sameeyay Dahab

$
0
0

Maleeshiyaadka Daacish ayaa soo bandhigay lacago shilin ah oo ay sheegen inay ka sameeyeen Dahab.

Lacagtaasi ayay sheegen inay ka shaqeyn doonto dhamaan wadamada ay ka howlgalaan gaar ahaan Gobolada ay gacanta kaga hayaan dalalka Siirya iyo Ciraaq.

Sawiro ay kasoo qaaden Muuqaalka lacagahaasi dahabka ka sameysan ayaa waxa ay kusoo bandhigeen baraha bulshada ay ku leeyihiin waxa ayna taasi bedelkeeda ku hanjabeen in lacagta dollarka ah ay hakin doonaan isticmaalkeeda.

Lacagahaani ay Maleeshiyaadka soo saaren ayaa waxa ay isticmaalkeedu qasab ku tahay shacabka ku ganacsada goobaha ay ku sugan yihiin.

Sababta ugu weyn oo ay u sameeyen ayay ku sheegen inay tahay in laga maarmo isticmaalka dollarka.












 

Madaxweyne Xasan iyo Faarax C/qaadir oo uu shaki soo kala dhex galay, Xassan Sheekh oo xiligaani garab la’aan ah

$
0
0

Iyadoo Baarlamaanka Somalia ay Mooshin xil ka qaadis ah ka gudbiyeen Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa hadana soo ifbaxaayo in Xassan uu kusoo dhacay Bohoshii loo qoday.

Abaabulka Mooshinka ayaa waxaa ka qeybqaatay xubno ku dhow dhow Madaxweyne Xassan oo iyagu ka careysan Siyaasada uu Xassan Sheekh dheelaayo, waxaana jiro xogo hoose oo muujinaayo in shaqsiyaadka gadaal ka hagaayo uu kamid yahay Faarax C/qaadir oo mudooyinkaani danbe ku kacsanaa Madaxweyne Xassan.

Faarax C/qaadir ayaa isaga u xuubsiibanaayo inuu mar qura dalka ka noqdo Madaxweyne waxa uuna haminayaa kursiga uu iminka ku fadhiyo Xassan Sheekh.

Sidoo kale, shaqsiyaadka loo adeegsaday Mooshinka ayaa waxaa kamid ah:

Xildhibaan Goodax Bare, Xildhibaan Fowziyo Yuusuf Xaaji oo labaduba kasoo shaqeeyay xukumadii Saacid.
Sidoo kale Xildhibaanada kale ee ku jira waxaa kamid ah xildhibaan Cumar Cali Balash iyo XIldhibaan Ubax Tahliil Warsame, C/raxmaan Xoosh Jibriil iyo tirro kale oo aan lagu soo koobi karin halkaani.

Mooshinkaani ayaa ka duwan kuwii horay looga keenay Madaxweyne Xassan, waxa uuna imaanayaa xili Madaxweynaha uu Siyaasada dalka ku waayay inta badan asxaabtiisa markii laga reebo tirro Mas’uuliyiin ah oo aan miisaan ku dhex laheyn Siyaasada dalka.

Mooshinka ayaa waxaa sidoo kale kor kala socda Xubnaha Beesha caalamka ka jooga Somalia, oo iyagu ka careysan Siyaasada uu Madaxweyne Xassan wado.

Dowlada Somalia oo wado qorsho ay ku xalineyso Musuq maasuqii ka dhashay Heshiiska Soma Oil and Gas

$
0
0

Dowlada Somalia ayaa sheegtay inay dib u eegis ku sameyneyso Heshiiskii ay horay ula gashay Shirkadda Soma Oil and Gas ee laga leeyahay dalka Britain.

Dowlada Somalia ayaa heshiiskaasi ku weysay sumcadii ay ku dhex laheyd Caalamka intiisa kale, waxa ayna iminka garwaaqsatay inay baaritaano gaar ah ay ku sameyso Heshiiskaasi.

Qoraal lagu soo daabacay wargeyska The Wall Street Journal ee ka soo baxa dalka Maraykanka oo heshay nuqul kamid ah Dukumiintiyadii ay kala saxiixdeen Dowlada Somalia iyo Shirka, ayaa lagu sheegay in Dowlada ay Heshiiskaasi kaga weecatay dhanka Shuruucda caalamka iyada oo u jeesatay Musuq-maasuq cadeymo leh.

Dukumiintiyada la tusay Wargeyska ayaa waxaa ku saxiixnaa la taliyaha dhinaca Sharciga ee Wasaaradda Batroolka Somalia, Abdixaliin Abdirahman oo isagu faramaroojiyay Maamulka sare ee Shirkadaasi inkastoo liiska shaqsiyaadka Musuqa ku kacay ay intaasi kasii farabadan yihiin.

Wargeyska waxa uu tilmaamay in lacagta ay Shirkadda mushaar ahaan loo siiyey shaqaalaha Wasaaradda Batroolka iyo lacagta kale ee dhinaca Kharashka Sharciga loo siiyey Garyaqaan Jay Park laga yaabo inay horseedo khilaaf dhinaca danaha labada dhinac.

Wargeyska The Wall Street Journal waxa uu qoray in warbixinta Dowlada Somalia lagu soo gabagebeeyey arrinta Xilliga Saami-qeybsiga Kharashka Shidaalka, iyo inuu aad u hooseeyey qaabka loo qortay Heshiiska ay Dowlada Somalia iyo Shirkadda Soma Oil and Gas oo ay horey u kala saxiixdeen.

Dowlada Somalia oo dooneyso inay iska masaxdo Fadeexadii kasoo gaartay Musuq-maasuqa ayaa iminka warqado u kala dirtay Shirkada iyo Hay’ado kale, taasi oo ay ku ogeysiineyso in la sameynaayo Baaritaano dib loogu xaqiijinaayo qaabka uu Heshiiska u dhacay iyo saami-qeybsigii labada dhinac dhexmaray.

Dowladu waxa ay sidoo kale qoraalkeeda ku qeexday inay heysato fursado kale oo dhigaaya in bartii hore ay kasii socoto heshiiska kadib markii ay sheegtay inuusan dhamaystirnayn heshiiskaasi carqalada dhaliyay, loona baahan yahay in wadaxaajood kale laga galo Saami-qeybsiga Macaashka Shidaalka.

Dowlada Somalia ayaa Heshiiskaasi kala kulantay Fadeexad aad u weyn oo saameyn adag ku yeelatay kaalintii ay ku dhex laheyd Hay’adaha kale ee Caalamka u qaabilsan arrimaha shidaalka.

Jose Mourinho oo si cad ugu sheegay Eden Hazard inuu kursiga keydka u socdo

$
0
0

Tababaraha kooxda Chelsea Jose Mourinho ayaa ugu baaqay Eden Hazard inuu wax ka badalato qaab ciyaareedkiisa hooseeya xagaagan.

Blues ayaa ku bilaawatay xili ciyaareedii ugu xumaa Premier league iyadoo tababare uu u yahay Jose Mourinho kadib guuldaradii 2-1 ee ka soo gaartay Crystal Palace.

8 dhibcood ayey ka dambeysa haatan Chelsea kooxda Man City.

eden-hazard-chelsea

Mourinho ayaa run u sheegay xiddiga sanadka horyaalka England inuu qaab ciyaareed fiican la yimaado.

“hadii aad tahay xiddiga ugu fiican horyaalka waxaan u maleeyaa iney ku saaran tahay masuuliyada inaad u ciyaarto sida xagaagii hore oo kale ayuu yiri waana hadal uu ugu sarbeebayay Hazard .

Chelsea ayaa ku jirta kaalinta 13 aad ee Premier league kadib afar kulan.

Gianluigi Buffon oo diirka ka dhigay Man City sidoo kalana amaanay Man United iyo Real Madrid

$
0
0

Goolhayaha kooxda Juventus Gianluigi Buffon ayaa daboolka ka qaaday Man City ilaa iyo hada inaan la dhihi Karin waa koox weyn ilaa ay ka qaadayaan koobka horyaalada Qaarada Yurub Uefa Champions league.

Manuel Pellegrini ayaa xagaagan ku bixiyay suuqa kala iibsiga lacag dhan £150milyan waxaana ay u socdaan iney hor kasameeyaan koobka Yurub.

gianluigi-buffon

Gianluigi Buffon ayaa ku foorjeeyay Man City in xiddigo la iibsan karo laakiin in koox weyn la noqdo la gadan Karin.

Isagoo la hadlayay The Mirror waxaa uu sheegay ciyaaryahanka Juventus.

“waad iibsan kartaa xiddigo  waa weyn laakiin ma iibsan kartid koox weyn waxaad u baahahan tahay inaad ku guuleysato Champions league.

“Xitaa Juventus markii ay Serie B ka ciyaareysay waxaa ay aheyd Juventus ,xitaa hadii aysan qaadin wax koob ah Real Madrid marwaliba waa Real Madrid uun,Manchester United waa Manchester United uun ayuu yiri.

City iyo Juventus ayaa xagaagan ku kulmaya koobka horyaalada Qaarada Yurub ee Uefa Champions league guruubyadiisa.

Luke Shaw iyo Michael Carrick oo hogaaminaya Liiska Xulka England ee wajahaya San Marino iyo Switzerland

$
0
0

Jonjo Shelvey  iyo Jack Butland ayaa kamid noqday Liiska Xulka tababaraha England uu uga yeeray kulamada Euro 2016 ee ay la ciyaarayaan xulalka San Marino iyo Switzerland.

Xiddigii hore Liverpool Jonjo Shelvey   ayaa looga wacay England markii ugu horeysay tan iyo 2012 markaas uu kulankiisii ugu horeeyay u saftay.

swansea-city-jonjo-shelvey

Kabtanka Liverpool Jordan Henderson ayaa sidoo kale looga saaray xulka dhaawac dartii,sidoo kale waxaa laga tagay , Phil Jones ,Danny Welbeck iyo Jack Wilshere oo iyagana dhaawacan.

Xiddigaha Man United Luke Shaw  iyo Michael Carrick ayaa sidoo kale looga yeeray xulka England.

Harry Kane ayaa oo 21 jirada England u soo ciyaaray ayaa dib ugu soo laabtay xulka koowaad.

Liiska xiddigaha England ee la ciyaaraya San Marino iyo Switzerland:

Goolhayayaasha: Joe Hart (Manchester City), Jack Butland (Stoke City), Tom Heaton (Burnley)

Daafacyada: Nathaniel Clyne (Liverpool), Luke Shaw (Manchester United), Kieran Gibbs (Arsenal), Gary Cahill (Chelsea), Chris Smalling (Manchester United), John Stones (Everton), Phil Jagielka (Everton)

Qadka dhexe: Michael Carrick (Manchester United), James Milner (Liverpool), Ross Barkley (Everton), Alex Oxlade-Chamberlain (Arsenal), Raheem Sterling (Manchester City), Fabian Delph (Manchester City), Ryan Mason (Tottenham Hotspur)

Weerarka: Wayne Rooney (Manchester United), Harry Kane (Tottenham Hotspur), Jamie Vardy (Leicester City), Theo Walcott (Arsenal)


Inter Milan oo xaqiijisay saxiixa xiddiga Wolfsburg Ivan Perisic.

$
0
0

Kooxda Inter Milan ayaa ku dhawaaqday saxiixa xiddiga qadka dhexe Wolfsburg ee Ivan Perisic.

26 jirkan ayaa gaaray Italy si uu tijaabada Caafimaad u maro kadib waxaana ay Inter ay xaqiijisay in heshiis shansano ay la gaartay.

Ciyaaryahanka Croatia ayaa 2013 ku soo biiray kooxda uu kasoo tagay oo uu kaga soo biiray Borussia Dortmund.

ivan-perisic-croatia_1

Xidigan ayaa San Siro u yimid si uu u badalo booska Xherdan Shaqiri oo £12milyan uga wareegay kooxda Stoke bishan.

Perisic ayaa la rajeynayaa inuu safto kulanka Derbiga ee AC Milan iyo Inter ay ciyaarayaan 13-ka September.

Man United oo qarka u saaran la soo wareegida Anthony Martial.

$
0
0

Manchester United ayaa inta uusan Suuqa kala iibsiga Xermin waxaa ay £36.3million kula soo wareegeysaa weeraryahanka kooxda Monaco Anthony Martial.

Red Devils ayaa dhalisay kaliya seddex gool afarta kulan ugu horeeya horyaalka Premier league.

Sidoo kale kadib Van Persie ,Di Maria,Falcoa waxaa ka socda Man United Javier Hernandez.

fbl-fra-ligue1-monaco-toulouse1-e1440961967924

19 jir Martial ayaa sidoo kale waxaa isbuucaan looga yeeray xulka koowaad ee France.

Tababaraha Arsenal ee Arsene Wenger ayaa raadinayay xiddigan laakiin Van Gaal ayaa ku dhow inuu ku garaaco.

Kaliya Suuqa waxaa ka harsan maalin waxaana uu soo xermayaa Tallaadada.

article-3216392-2BD0C51200000578-824_964x375

Paris Saint-Germain oo u soo deyrisay kooxda Chelsea ee Jose Mourinho

$
0
0

Kooxda Paris Saint-Germain ayaa beenisay daafacooda reer Brazil Marquinhos inuu ku biirayo kooxda Chelsea.

Madaxweynaha kooxda France Nasser Al Khelaifi ayaa cadeeyay Blues ineysan waqti isaga lumin doonista xiddiga maxaa yeelay iib ma ahan ayuu yiri.

21 jirkan waxaa horay loogu diiday kooxda Manchester United.

2BCDBFDB00000578-3216006-image-a-86_1440939853267

Kadib markii Aymen Abdennour ay ku guuldareysatay Blues kaas oo ku biiray Valencia waxaa ay u weecatay xiddiga PSG.

Labo daafac oo kale ayaa u furan Chelsea hadii ay diiday PSG In xiddigeeda ay iibiso waana Ezequiel Garay iyo Nicolas N’Koulou oo ka tirsan kooxda Marseille.

Sawirada Angel di Maria oo bandhig fiican ka sameeyay kulankiisii ugu horeeyay PSG

$
0
0

Angel di Maria ayaa wacdaro ka dhigay kulankiisii ugu horeeyay horyaalka uu u saftay kooxda Paris Saint-Germain.

Paris Saint-Germain ayaa 3-0 ugu adkaatay kooxda Monaco waxaana uu ahaa kulan adag.

Edinson Cavani ayaa ka dhaliyay Monaco labo gool daqiiqadihii 57 iyo 73 aad.

Angel di Maria ayaa badal ku soo galay 25-kii daqiiqo ee ugu dambeeyay ciyaarta waxaana lagu badalay Lucas Moura.

Zlatan Ibrahimovich oo isagana dhaawac ka soo laabtay ayaa ka caawiyay Cavani goolka labaad.

Di Maria ayaa ka soo shaqeeyay goolka seddexaad uu dhaliyay Ezequiel Lavezzi.

PSG ayaa haatan seddex dhibcood nadiif ah ku hogaamineysa horyaalka Ligue 1.

Edinson Cavani is congratulated by new PSG arrival Angel di Maria after scoring their side's second goal
Edinson Cavani celebrates his first goal in PSG's comfortable 3-0 win over apparent rivals Monaco 
Angel di Maria made an immediate impact on debut providing an assist for Ezequiel Lavezzi for 3-0

Bartilmaameedkii Arsenal Jackson Martinez oo akoonkiisa goolasha La Liga furtay

$
0
0

Atletico Madrid ayaa 3-0 waxaa ay ku garaacday kooxda Sevilla iyadoo laga soo calaamadeeyay ciyaartaas Jackson Martinez.

Kooxda Diego Simeone ayaa ku soo adkaatay garoonka Ramon Sanchez Pizjuan  .

Bartilmaameedkii hore Arsenal Jackson Martinez ayaa dhaliyay xalay goolkiisii ugu horeeyay horyaalka Spain ee La Liga.

Xiddigan ayaa uga soo biiray kooxda caasimada ka dhisan kooxda FC Porto.

Weeraryahanka Colombia ayaa badal ku soo galay ciyaarta oo kursiga keydka ka yimid.

Atletico Madrid's summer signing Jackson Martinez celebrates scoring his first goal for the club 
Atletico Madrid midfielder Koke (right) puts his side 1-0 up in the first-half against Sevilla on Sunday night
Atletico striker Fernando Torres (left) competes for the ball with Sevilla midfielder Daniel Carrico in La Liga

Kooxda Isbuuca ugu fiicneyd horyaalka Premier league oo la soo saaray walee lagu ceeboobay

$
0
0

Kooxaha Chelsea,Liverpool iyo Man United ayaa ku qaday kooxda isbuuca Premier league kadib  guuldarooyin ku dhacay.

Goal.com ayaa soosaartay Liiska 11-ka ciyaaryahan ee ugu fiicnaa isbuucaan horyaalka.

article-3216193-2BCFE1B000000578-649_636x346

Mid kamid ah xiddigaha Chelsea,Liverpool iyo Man United laguma arag.

Kaliya kooxaha Arsenal iyo Man City ayaa ku yeeshay min hal ciyaaryahan kooxdan.

Dhamaan xiddigaha kale waxaa ay noqdeen kooxaha kale sida kuwa Swansea,West Ham iyo Place oo garaacay kooxaha Chelsea,Liverpool iyo Man United

Premier League Team of the week matchday 4

 

 

Macalinm Sir Alex Ferguson Oo Laga Yaabo In Taageerayaasha Manchester United Ay Ka Caroodan Kadib Markii Uu Arintan Sameyey???

$
0
0

Tony Pulis  macalinka kooxda West Brom ayaa waxaa uu sheegey in macalinkii hore ee Manchester United Sir Alex Ferguson uu qeyb weyn ka qaatey in Daafaca Jonny Evans ay ka soo qaadaataan kooxda Manchester United.

West Brom ayaa todobaadkan la wareegtey ama ku dhawaaqdey saxiixa daafaaca kooxda Manchester United ninka lagu magacaabo Jonny Evans.

jonny-evans-manchester-united

Haddaba Tony Pulis ayaa waxaa uu u mahadceliyey Ferguson oo uu sheegey in u yahay cida u suura gelisey in xiddigaan ay la soo wareegaan.

” Run ahaanti aad iyo aad buu Sir Alex iila shaqeyey oo waxaanba dhihi karaa hadii uusan isagu aheyn inagu lamaba soo wareegneyn Evans” waxaa sidaasi yiri macalin Tony Pulis.

Evans ayaa waxaa uu kooxdiisa Manchester United u saftey kulamo gaaraya ilaa iyo 198 kulan mudadii uu la joogey.


Manchester United Oo Shaacisey Weeraryahanka Ay Dooneyso In Maanta Ay La Soo Wareegto (Waa Xiddig Ingriis Ah).

$
0
0

Manchester United ayaa waxaa lagu soo waramayaa in ay u sii dhawaaneyso soo qaadashadda weeraryahanka kooxda QPR ninka lagu magacaabo Charlie Austin ka hor inta aanu suuqa kala iibsiga xirmin.

Saxiixa Austin ayaa waxaa aad u doonaya kooxo dhowr ah waxaana Manchester United ay dooneysaa in saxiixa xiddigan ay ka dulqaado kooxahaasi.

queens-park-rangers-charlie-austin

Manchester united ayaa aad ugu baahan weeraryahan iyadoona iska fasaxeyso weeraryahankeeda Chicharito, Rooney keliya ayaa noqonaya weeraryahanka ay Manchester heysato hadii aysan mid cusub la soo wareegin.

Waxaa sidoo Manchester United lala xiriirinayaa la soo wareegista Martial oo kooxda AS Monaco weerarka uga ciyaara.

DEG DEG Baarlamaanka Galmudug oo cod aqlabiyad ku ansixiyay Golaha wasiirada Galmudug

$
0
0

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug oo maanta kulan ku yeeshay Magaalada Cadaado, ayaa waxay cod aqlabiyad leh ku ansaxiyen Golaha Wasiirada cusub ee Maamulkaasi.

Kulanka oo uu shir guddoominaayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, Cali Gacal Casiir, ayaa codka kalsoonida waxaa loogu qaaday Xildhibaanada. Codka ayaa ahaa mid gacantaag ah.

Kulanka oo ay soo xaadireen 69 xubnood, ayaa 66 ka mid ah waxay haa ugu codeeyen inay sharci yihiin Golaha Wasiirada. Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug iyo Labadiisa Ku Xigeeno oo kulanka goobjoog ka ahaa, ayaan iyagu codeynin.

Cali Gacal Casiir, Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, ayaa ku dhawaaqay in cod aqlabiyad leh uu Baarlamaanka Galmudug ku meelmariyay Golaha Wasiirada cusub.

Madaxweynaha waxa uu soo dhaweeyay aragtida Xildhibaanada markii hore ka hortimid Golaha Wasiirada, isla-markaana uu kaga mahadcelinaayo tanaasulka ay sameeyen, sida uu yiri.

C/kariin Xuseen Guuleed, Madaxweynaha Galmudug oo kulankaasi ka qaybgalay, ayaa Xildhibaanada kaga mahadceliyay sida wanaagsan, ee ay codkoodu u siiyen Golaha Wasiirada.

Howlgalo lagu soo qabqabtay la tuhmayaal farabadan oo ka dhacay Degmada Afgooye

$
0
0

Howlgal ciidamada Dowladda Federalka Somalia ay ka sameeyeen Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose, ayaa waxa ay ku soo qabteen dad gaaraya 10-ruux kuwaasi oo looga shakiyay inay Shabaab xiriir la leeyihiin.

Xalay ayeey ciidamada howlgalkaan ka sameeyeen Xaafadaha Magaalada Afgooye oo lagu soo qabtay 10-ka ruux ee ciidamada ay uga shakiyeen Shabaabnimada.

Guddoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka Degmada Afgooye Yuusuf Doo, ayaa u sheegay Warbaahinta dadka lasoo qabtay in lagu haayo Saldhiga Degmada Afgooye oo ay baaris ku socoto.

Yuusuf Doo, ayaa sheegay dadkaan in la kala saaraayo kadibna la fasaxaayo wixii dambi lagu waayo, halka kuwa kalena maxkamad loo gudbin doono.

“Howlgalkaan waxa uu ka mid yahay kuwa aan amniga ku xaqiijineyno, waxaana inoo suurta gashay in aan qabano dad lala xiriirinayo inay maleegayeen falal amni darri ah, dadkaasi waxa ay gaarayaan ilaa 10 ruux Saldhiga ayeeyna ku xiran yihiin.” Ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka Afgooye.

Degmada Afgooye ayaa waxaa ka dhaca falal lidi ku ah dhanka ammaanka oo waxaa lagu beegsadaa ciidamada iyo xubnaha Maamulka la shaqeeya.

Real Madrid Oo Ku Dhow Soo Qaadashadda Daafac Ka Tirsan Liverpool.

$
0
0

Kooxda reer Spain ee Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay ku si dhowdahay soo qaadashadda daafac ka tirsan kooxda Real Madrid kaa oo lagu magacaabo Alberto Moreno.

SIda lagu daabacay majalada Daily Mail Real Madrid ayaa wadda hadalo kula jirta kooxda Liverpool si ay u soo dhameystirto saxiixa Alberto Moreno, oo ay aad u dooneyso.

liverpool-alberto-moreno

Xiddigaan Moreno ayaa waxaa uu kooxda Liverpool ku soo birey sanadkii hore isagoona wiilka reer Spain kaga soo biirey dhanka kooxda Sevilla.

Boos joogta ah ayuu ka la’yahay kooxdiisa waxaanaay u badantahaya in uu iminka isaga tago Liverpool, Real Madrid ayaana ah kooxda ay u badantahay in uu ku biirayo.

Morena ayaa waxaa uu kooxdiisa ka soo muuqdey seddex kulan oo uu keydka ka soo galay xili ciyaareedkan 4ta kulan la ciyaarey.

Dortmund Oo Wadda hadalo Kula Jirta Manchester United (Xiddig Muhiim United-ka U Ah Oo Ayeey Amaah Ku Dooneysaa).

$
0
0

kooxda reer Germany ee Dortmund ayaa dooneysa in ay amaah ku soo qaadato garab weerarka kooxda Manchester United Adnan Januzaj.

Xiddiga reer Belgium ayaa waxaa uu xili ciyaareedkan kooxdisa u saftey 4 kulan waxaase weli adag in uu noqdo xiddig toos kooxda si joogta ah ugu ciyaara.

adnan-januzaj

20 jirkan ayaa waxaa aad loola xiriirinayayey kooxaha Everton iyo weliba sidoo kale Sunderland ayaana aad u doonayey saxiixa.

Sida uu daabacay Majaladda Daily Express DOrtmund ayaa aad u dooneysa in xiddigaan ay la saxiixato ka hor inta aanu suuqa xirmin.

60 kulan oo uu kooxdiisa u saftey Januzaj ayaa waxaa uu u dhaliyey 5gool.

Viewing all 12338 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>