Kooxda Juventus ayaa isha ku haysa iney guul ka gaarto kulanka ay la ciyaareyso Bologna, macalin Max Allegri ayaana ka niyad jabsan iney seegeen koobkii Supercoppa.
Juventus ayaa afar dhibic ku hogaamineysa horyaalka, hase ahaatee tababare Allegri ayaa ka careysan in kooxdiisa ay ka liidato dhanka daafaca.
Waxaa ay aheyd niyad jab xoogan in koobkii ugu danbeeyay ay uwaayeen gacanta naadiga Rossoneri,laakiin waxaa ay isha ku hayaan iney bandhiga guulaha kusoo laabtaan kulankan.
Kulanka: Juventus Vs Bologna
Garoonka: Juventus Stadium
Saacada: 10:45 Xiliga geeska Afrika
Juventus ayaa la filayaa iney ciyaarto shaxda 4-3-1-2 taas oo ka dhigan in Miralem Pjanic uu door weyn ka ciyaari doono shaxdan.
Allegri ayaa sidoo kale kala dooran doona cidii uu weerarka ka ciyaarsiin lahaa Pablo Dybala, Mario Mandzukic iyo Gonzalo Higuain.
Waxaase dhaawac uga maqnaan doona daafacyada kala ah Leonardo Bonucci, Dani Alves iyo Alex Sandro, halka Rugani uu ilaa haatan yahay ciyaaryahanka ugu wanaagsan dhanka daafaca.
Ciyaaryahanka la daawan doono: Pablo Dybala (Juventus) – Da’yarkaan qaranka Argentine ayaanan wali hellin qaab ciyaareedkiisii cajiibka ahaa laakiin xidigan lala xariirinayo Barcelona iyo Real Madrid ayaa bartilmaameedsanaya in kulankan uu wacdaro ka dhigo.
Kulamadii ugu danbeeyay ee Juve – ayaa badisay afar kamid ah shantii kulan ee ugu danbeysay, halka Bologna ay dhankeeda badisay labo kamid ah shantii kulan ee ugu danbeysay
Xasuus: Kulankii ugu danbeeyay 3-1 ayay Juve kaga badisay Bologna.
Xaqiiqooyin kale: Bologna ayaanan kooxda Old Lady waligeed kaga badin garoonkeeda tan iyo kulankii ay 2-0 kaga badisay February 2011-kii waxaase laga badiyay shan kulan halka sedex kalana bar bardhac galeen.
Saadaasha: Juventus ayaa la saadaalinayaa iney badin karto
Shaxda Macquulka ah ee Juventus: Buffon; Lichtsteiner, Barzagli, Chiellini, Evra; Khedira, Marchisio, Rincon; Pjanic; Dybala, Higuain
Shaxda Macquulka ah ee Bologna: Mirante; Torosidis, Maietta, Gastaldello, Masina; Nagy, Viviani, Dzemaili; Rizzo, Destro, Krejci