Quantcast
Channel:
Viewing all 12338 articles
Browse latest View live

SOSCENSA oo baaq digniin ah u dirtay Dowlada Somalia

$
0
0

Hay’adda Jilaayaasha aan Dowliga ahayn ee SOSCENSA ayaa war ay manata siisay Warbaahinta waxa ay uga digtay shirkad cusub oo shidaalka baarta oo ay dowladdu maanta siin rabto hishiiska shidaal ka barista dalka, sida ay SOSCENSA sheegtay.

SOCENSHA ayaa sheegtay in ay la tahay naxdin iyo wax laga walaaco in iyada oo musuq-maasuq lagu heesto shirkadda Som Oil oo ay dowladdu hoary ula gashay hishiis shidaal baaris ah, ay haddana hishiis kaloo cusub la gasho shirkad kale oo sii qabaneysa hawshii lagula hishiiyay Som Gas.

Arrintan ayay SOSCENSA ka dalbatay Baarlamaanka Federalka in ay ku baraarugaan oo ay faraha la galaan, si dalka looga ilaaliyo in qeyraadkiisa la dhaco ama ay dhibaato soo gaarto.

Gudoomiyaha Ururka Xirfadleyda ku xeel dheer qeeraadka dhulka ka hooseeya, Eng. Cabdul-Qaadir Xaaji Xasan, oo SOSCENSA ka tirsan, ayaa u sheegay suxufiyiinta in ay shirkadda ay dowladdu hishiiskan la geli rabto la yiraa Shell, shacabkuna ayan waxba kala socon, sidaa daraadeedna ay iyagu ku baaqayaan in la hakiyo.


Xildhibaano Gudbiyey Mooshin ka Dhan Ah Kii Horey Madaxweynaha Looga Gudbiyey

$
0
0

Illaa 126 xildhibaan ayaa lagu soo waramayaa in ay saxiixeen mooshin kasoo horjeeda kii horey madaxweynaha looga gudbiyey, waxaana gudbiyey illaa 40 xildhibaan.

Waxaa loo gudbiyey guddoomiyaha baarlamaanka Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari .

93 xildhibaan ayaa horey u gudbisey mooshin xilka looga qaadayo madaxweynaha Soomaaliya xasan Sheekh Maxamuud taariikhda markii ay ahayd 12-kii bishan Agoosto.

Xildhibaan C/laahi Cumar Abshiroow, ayaa sheegaya Xildhibaanada Mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha u gudbiyay ay ku jiraan magacyada qaar horay u geeriyooday iyo xubno laga been abuurtay inay saxiixeen Mooshinkaasi oo si cad u sheegay inay ka baxeen inay saxiixeen Mooshinkaasi.

“Mudane Guddoomiye Anagoo ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliyeed oo magacyadooda iyo saxiixooda hoos ku cad yihiin, waxaan soo jeedinaynaa oo an diidanahay Mooshinka sharciga aanan waafaqsaneyn ee ay wadaan qaar ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia oo ku soo been abuurtay tiro badan oo Xildhibaano ah iyaga oo aan waxba ka ogeyn, qaarkoodna horay ay uga baxeen.” Ayuu yiri Xildhibaan C/laahi Cumar Abshiroow.

Xildhibaan Abshiroow, ayaa sheegay maadaama Baarlamaanka ay horyaalaan shaqooyin adag mooshinkaan inuu carqalad u keenaayo howsha Baarlamaanka iyo waqtiga kala guurka dalka oo loo baahan yahay in la meel mariyo sharciyo badan oo Baarlamaanka hor yaallo.

DEG DEG Weerar ismiidaamin ah iyo Rasaas laga maqlaayo xero ciidan oo ku taal Deegaanka Janaale

$
0
0

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Janaale ee gobalka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada Xarakada Al-shabaab ay weerar Ismiidaamin iyo dagaal toos ah ku qaadeen saldhig ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin deegaankaasi.

Mar qura ayaa la maqlay qaraxyo is xigxigay oo Ismiidaamin ah, waxaana wararku ay sheegayaan in ka dib la maqlay rasaas xoogan oo u muuqatay dagaal fool ka fool ah.

Dadka ku dhaqan deegaanka Janaale qaarkood oo aynu xiriir la sameenay waxay inoo sheegeen inay maqlayaa rasaas xoogan, sidoo kalena mararka qaar qaraxyo ay dhacayaan.

Warar aan aad loogu kalsooneen waxa ay sheegayaan in rag ka mid ah Al-shabaab ay gudaha u galeen xeradaasi ciidan, balse weli lama ogaan karo xaqiiqda dhabta ah xaaladda oo aad u kacsan.

RASMI:Neymar-ka AC Milan Hachim Mastour oo ku biiray Malaga

$
0
0

Kooxda Malaga ayaa xaqiijisay in Amaah ay kala soo wareegtay AC Milan xiddigeeda Hachim Mastour waana heshiis labo sano ah.

Ciyaaryahanka 17 jirka Morroco ayaa kamid ah xiddigaha ugu da’da yar ee ugu fiican horyaalkaas.

Hachim Mastour waxaa uu ka ciyaaraa inta badan booska weerarka dhexe.

hachim-mastour-milan_11eriaod57ekp1joodfme0qx7j

Labada koox ayaa xaqiijiyay inuu heshiiska dhacay saacadihii u dambeeyay suuqa kala iibsiga.

“AC Milan waxaa ay ku dhawaaqeysaa in Hachim Mastour uu labo sano amaah ugu ciyaarayo Malaga waana ilaa 30-ka June 2017,sidaas Milan ayaa websetkeeda ku cadeysay.

Mastour ayaan wali hal kulan oo kooxda koowaad u safan AC Mialn balse halmar ayey dhacday waana dhamaadkii xili ciyaareedkii 2013-14.

RASMI:Kooxda Liverpool oo soo bandhigtay weeraryahankeeda cusub ee Taiwo Awoniyi

$
0
0

Liverpool ayaa la soo wareegtay ciyaaryahanka lagu magacaabo Taiwo Awoniyi.

Reds ayaa ku garaacday heshiiska xiddigan kooxaha Porto iyo Monaco.

18 jirkan ayaa ka ciyaara booska weerarka waxaana uu ka soo baxay xerada tababarka Imperial Academy ee dalka Nigeria.

2BDB4C6B00000578-3217021-image-m-54_1441056961294

Xiddigan ayaa waxaa la tilmaamaa iney isku qaab ciyaareed yihiin Christian Benteke oo isagana Liverpool ka tirsan.

Taiwo Awoniyi ayaa sheegay inuu Liverpool  ku soo celin doono sumcadii ay laheyd.

 

KAKA oo raba Brazil inuu hogaamiyo ciyaaraha Isreeb reebka koobka Adduunka

$
0
0

Xiddiga Brazil ee kaka ayaa doonaya inuu kalsooni ku beero tababare Dunga si uu uga mid noqdo xiddigaha Brazil ee ciyaaraya Isreeb reebka koobka Adduunka loogu soo baxayo.

33 jirkan ayaa ah kabtanka kooxda MLS ee Orlando City waxaana looga yeeray Brazil kulamada saaxibtinimo ay la ciyaareyso xulalka Costa Rica iyo USA.

Xiddigii hore Adduunka Kaka ayaa ku faraxsan nolasha kooxda MLS-ka.

1528432_heroa

Kaka ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in looga wacay xulka Brazil oo markii ugu dambeysay uu u ciyaaro ay aheyd bishii October 2014.

Kaka waxaa kale uu hadalkiisa Intaa ku daray inuu soo bandhigi doono ciyaaro wanaagsan si uu ugu muujiyo Dunga inuu ka qeybgali karo isreeb reebka koobka Adduunka.

Xiddiga 2002 ku guuleystay koobka Adduunka ayaa 89 kulan u saftay dalkiisa waxaana uu Dunga ka caawiyay koobkii 2009 ee Confederations Cup.

 

 

Xiddiga Manchester United James Wilson oo goordhow 13-koox kala dooran doona

$
0
0

James Wilson ayaa la rajeynayaa maanta inuu amaah uga tago kooxda Manchester United.

Daily Mail ayaa sheegeysa kooxaha Tottenham Hotspur iyo West Bromwich Albion iney xiiseynayaan ciyaaryahanka 19 jirka ah.

Marka laga tago labadaas koox waxaa kale oo xiiseynaya  James Wilson 13 koox oo kale.

james-wilson-manchester-united

Red Devils ayaa kaliya heysata haatan hal weeraryahan waana Wayne Rooney kadib markii Javier Hernandez ay iibsatay kooxda Bayer Leverkusen.

Sidoo kale United ayaa horay u dirtay xiddiga weerarka dhexe ee Adnan Januzaj laakiin waxaa ay la soo wareegeen Anthony Martial.

Wilson ayaan u safan Man United lixdii kulan ee xagaagan ay ciyaartay United.

RASMI:Xiddiga Barcelona Alex Song oo dib ugu soo laabtay Premier league

$
0
0

Kooxda West Ham ayaa dib ula soo saxiixatay xiddiga Barcelona ay iska leedahay ee Alex Song waana heshiis amaah waqti dheer.

Ciyaaryahanka reer Cameroonian ayaa rabay inuu dib ugu soo laabto horyaalka Premier league.

Heshiiska Song ayaa ka dhigan inuu yahay xiddigii sagaalaad ee ay la soo wareegto kooxda West Ham.

alex-song-west-ham

West Ham ayaa ku dhow saxiixa xiddigaha kala ah Nikica Jelavic iyo Victor Moses.

Kooxda ayaa Twitterkeeda ku xaqiijisay in Song uu dib ugu soo laabtay.

27 jirkan ayaa ka dhexmuuqday xagaagii hore Boleyn Ground waxaana uu saftay 28 kulan Premier league.


Marcos Rojo oo laga yaabo inuu ka tago Caawa Man United xili uu ka hadlay mustaqbalkiisa

$
0
0

Daafaca Man United Marcos Rojo ayaa raba inuu sii joogo Old Trafford una dagaalo booskiisa xili lagu wada inuu baxo saacadaha ka dhiman suuqa kala iibsiga.

Rojo ayaan wali xagaagan u safan Man United kadib markii uu ku soo daahay fasax xili ciyaareedka.

Kooxda France ee Monaco ayey wararka sheegayaan iney caawa rabto la wareegida xiddiga Argentina.

marcosrojo-cropped_mefc11mkwou31o2eeld7nnqzj

Van Gaal ayaa Rojo ka doorbiday Daley Blind iyo Chris Smalling oo ciyaaraya haatan booska daafaca dhexe.

Sidaas oo tahay xiddigan ma doonayo inuu ka hayoomo Man United.

“”waan helay dalabyo laakiin waxaan rabaa inaan halkan joogo una dagaalo booskeyga maxaa yeelay United waa koox weyn ayuu yiri 25 jirkan isagoo la hadlayay ESPN Radio.

Rojo ayaa £16 million ugu soo wareegay kooxda Sporting Lisbon Man United sanadkii 2014 waxaana uu xagaagii hore u saftay 22 kulan Premier league.

Liverpool oo ku raja weyn saacadaha ka dhiman suuqa saxiixa xiddiga Real Madrid Denis Cheryshev

$
0
0

Liverpool ayaa rajeyneysa inta uusan suuqa kala iibsiga xermin la soo wareegida xiddiga Russia ee Denis Cheryshev kaas oo ka ciyaara garabka.

24 jirkan ayaa doonaya inuu ka tago Real Madrid maadaama uusan ka heysan boos joogta ah,sidaas waxaa qortay AS.

Metro ayaa  sidoo kale sheegeysa Liverpool iney wadahadalo la furatay xiddiga u dhashay Russia kaas oo ay sidoo kale raadineyso Valencia.

Cheryshev ayaan wali u safan kooxda koowaad ee Real Madrid waxaana amaah ugu soo ciyaaray labo xili ciyaareed kooxaha Villareal iyo Sevilla.

denis-cheryshev

Maleeshiyaadka Alshabaab oo dumiyay Buundooyinka Qoryooley Iyo Janaale

$
0
0

Wararka ka imaanaya degmada Qoryooley iyo deegaanka Janaale ee gobalka Shabellaha Hoose, ayaa sheegaya in Xarakada Al-shabaab ay dumiyeen Buundooyinkii halkaasi ku yaallay.

Gaari Dameer la sheegay in lagu soo raray Walaxaha Qarxa, islamarkaana siday Qudaar ayaa ku qarxay dhusha Buundada Qoryooley, waxaana halkasi ku dhintay Ninkii waday Dameerka, sidoo kalena waxaa Duntay Buundadii.

Maxamed Xaaji oo ah gudoomiyaha degmada Qoryooley oo u waramay goor dhaw warbaahinta, waxa uu sheegay in hadda degmadooda ay go’doon tahay, halkii waddo ee la isticmaalayayna ahayd Buundada, balse ay jarantay.

“Gaari Dameer ayaa lagu soo raray walxaha Qarxa, markii Buundada uu marayo ayaa la qarxiyay, ninkii Dameerka wadayna wuu dhintay, mana ogin in isaga uu waxaasi ka dambeeyay ama lagu soo siray” ayuu yiri gudoomiyaha Qoryooley.

Dhanka kale Xarakada Al-shabaab ayaa dumisay Buundada deegaanka Janaale oo saaka weerar ay ku qaadeen fariisin ciidamada AMISOM ku lahaayeen deegaankaasi.

Waxaa la sheegay in Buunadadaasi  ay ku xireen Walxaha qarxa, sidaasina lagu dumiyay, iyadoo weli xaaladda deegaanka Janaale ay aad u kacsan tahay.

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida oo maanta riday xukuno kala duwan

$
0
0

Maxkamadda Sare ee ciidamada Qalabka sida ayaa maanta waxa ay xukunno kala duwan ku riday Afar qof oo horay loo soo xukumay balse Racfaan ka qaatay.

Gudoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada Qalabka sida Liibaan Cali Yarow ayaa xukunkaasi ku dhawaaqay.

Cabaas Xasan Maxamed ayaa maxkamadda Darajada Koowaad waxa ay horay ugu xukuntay 10-sano oo xabsi ah, balse racfaan ayuu ka qaatay, waxaana maxkamadda sare ee ciidamada Qalabka sida ay dib ugu xukuntay 10 Sano oo xabsi ciidan ah.

Sidoo kale maxkamadda ayaa xukuntay Mustaf Maxamed Cali iyo Cabdiraxmaan Jicmaale Muuse oo horay loogu xumay 10-sano Xabsi ah, waxaana lagu waayay marqaati ku cadeeya dambiyadii lagu soo eedeeyay, iyadoo lagu xukumay min 6-bil oo xabsiga loogu haayo qaab dhaqan celin ah.

Ugu dambeyn ayaa maxkamadda sare ee ciidamada Qalabka sida waxa ay ammar ku bixisay in xabsiga laga sii daayo Shaafici Xasan Maxamed oo 15-sano jir ah, ka dib markii la waayay marqaati cadeeya dambiga lagu soo eedeeyay, iyadoo horay maxkamadda Darajada Koowaad ay ugu soo xukuntay 10 Sano oo xabsi ah.

Ciidamada Itoobiya oo dilay dad shacab hor leh

$
0
0

Ciidamada Itoobiya ayaa lagu eedeeyay inay dad shacab ah ku dileen deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud ee Bartamaha dalka Somalia.

Afar ruux oo labo ka mid ah ay ahaayeen dad macalimiin ah ayaa la sheegay ciidamada Itoobiya inay ku dileen deegaanka Ceel Qooxle oo ka tirsan Gobolka Galgaduud.

Nabadoon Cali Faarax Kheyre, oo ka tirsan Odayaasha kasoo jeeda deegaankaasi ayaa sheegay ciidamada Itoobiya falka ay ku kaceen inuu yahay mid aanan loo dulqaadan karin.

“Ciidamada Itoobiya ayaa dishay Afar Qof oo Laba ka mid ah Macallimiin ahaayeen, ciidamada itoobiya ayaa aroortii soo weeraray deegaanka, ula jeedka ay u dileena lama garanaayo, deegaanka Al-shabaabna ma joogto, waa gardarrada qaawan ee Itoobiya ay dalka ka wado.” Ayuu yiri Nabadoon Cali.

Sidoo kale Nabadoon Cali Faarax, ayaa sheegay ciidamada Itoobiya inay xir xireen 11 ka mid ah Odayaasha deegaanka Ceel Qooxle, sababtana ilaa hada inaan la ogeyn.

Ciidamada Itoobiya oo howlgalka Amisom ka tirsan ayaa Dhacdooyin xanuun badan ka geysta deegano ka tirsan Gobolada dalka Somalia, iyadoo la xusuusto dhacdadii dadka shacabka ay ku laayeen deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan.

Maamulka Galmudug oo farakulul ku haya Xildhibaanada Baarlamaanka maamulkaasi

$
0
0
Advertisment

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug, ayaa shaaca ka qaaday in laga hor istaagay Kalfadhigii Afaraad ee Baarlamaanka Maamulka Galmudug oo maanta Sabti ah ka furmi lahaa Magaalada Cadaado.

Xildhibaanada ayaa sheegay ciidamo uu wato Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi inay diideen gelitaanka hoolkii Xildhibaanada ay ku shiri jireen Magaalada Cadaado.

Duraan Cali Jaamac oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug, ayaa sheegay sababta loogu diiday furmashada kulanka Xildhibaanada inay tahay, iyadoo laga hortagaayo in Baarlamaanka uu la xisaabtamo madaxda Galmudug.

“Maanta oo ay Bisha tahay 7-1-2017 waxaa furmi rabay Kalfadhigii Afaraad ee Baarlamaanka Galmudug wuxuuna ka furmi lahaa xarunta KMG ee cadaado, arintaasi waxaa is hor istaag ku sameeyay oo shaqada Baarlamaanka inuu guto diiday masuuliyiinta Maamulka Galmudug, waxaana diiday oo meesha joogay Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi.” Ayuu yiri Xildhibaan Duraan.

“Waxaan u maleynaynaa maadaama aan nahay Xukuumadda iyo Baarlamaanka labo Hay’ad oo kala madax Banaan cida la xisaabtamaysaa anaga aan nahay inaan la xisaabtano ayaa la diidayaa.” Ayuu yiri Xildhibaan Duraan.

DEG DEG: Qaraxyo xoogan iyo Rasaas goordhow laga maqlay magaalada Muqdisho

$
0
0
Advertisment

Waxaa goordhow Qaraxyo is xigay oo labo ah laga Maqlay Agagaarka Isgoyska Tarabuunka Ee Degmada Hodan.

Waxaa weli Warbaahintu isku taxluujineysaa Helida Xog Faah faahsan oo ay ku raadineyso Qaraxyada iyo Cida lala Eegtay.

Inkastoo weli ay tahay Daqiiqo Hore waxaana istaagay inta badan Gaadiidkii BL-ka iyo Kuwa Raaxada ahaa.


Faahfaahino kasoo baxaaya Qaraxyo Caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho

$
0
0
Advertisment

Ugu yaraan saddex qof, ayaa ku dhimatay qarax miino oo caawa ka dhacay maqaaxi ku taala Isgoyska Tarabuunka ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Maqaaxida oo ay fariisan jireen Ciidamada Dowladda Somaliya iyo dad rayid ahba, ayaa waxaa la sheegay in qaraxa kol hore lagu sii diyaariyay maqaaxida.

Goobjooge qaraxaasi ka hadlay, ayaa yiri “Maqaayadan waxaa la dhahaa Waa Yaabeysaa, Isgoyska Tarabuunka ayayna ku taallaa. Inta badan waxaa fariista Ciidamada Dowladda qaarkood iyo dad shacab ah.”

“Maqaayado badan ayaa ku yaala Isgoyska Tarabuunka, laakiin middaan ayay ku badan yihiin Ciidamada Dowladda, xilliyada galbihii iyo habeenkiiba.”

“Saddex qof ayaa ku dhimatay qaraxa, saddex kalana way ku dhaawacantay. Waxaa intaas dheer burbur wayn ayuu qaraxaasi soo gaarsiiyay maqaayadda.”

Maamulka Gobolka Banaadir iyo Saraakiisha Ciidamada Dowladda, ayaan weli ka hadlin qaraxa khasaaraha gaystay ee caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Putting Faith and Sports on the Same Team

$
0
0
Advertisment

Fatimah Hussein was born in Somalia and immigrated to Minneapolis when she was 6 with her family, fleeing civil war. Ms. Hussein and her sister played softball when they were young, but in middle school they stopped, as did many of their Muslim peers.

“It was not normal to see girls playing sports,” she said of her childhood.

“You’d see boys continuing to play and getting support by the parents,” said Ms. Hussein, now 29 and a social worker. “It’s not that my dad ever said, ‘You can’t play,’ but we just never got that encouragement.”

Another impediment was that Ms. Hussein and her sister wore hijabs, the scarves that many Muslim women and girls use to cover their heads, ears and necks. The garments are typically made of thick fabric that wraps around the neck; some hijabs require pins as fasteners. On the playing field, hijabs are prone to unraveling, and they can be hot and unwieldy. Sometimes they’re even dangerous — other players could trip on them if they unravel, or the pins could jab the wearer or others.

During her childhood Ms. Hussein said she was preoccupied by thoughts of “this doesn’t look right, this is falling, I don’t feel comfortable inside.”

Eight years ago, she realized that the young girls she worked with at a Minneapolis community center shared those feelings, so she founded the Girls Initiative in Recreation and Leisurely Sports, or Girls, a program that provides girls-only gym time at the center.

Next she decided to tackle the hijab issue. A year ago, she and a business partner started Asiya, a company that sells head scarves designed for sports.

The Asiya hijabs are made of a lightweight, sweat-wicking fabric, and they come in three styles with varying degrees of coverage. They don’t require wrapping or pins because they’re snug-fitting with built-in headbands that further secure the fabric.

For Ms. Hussein, who works full-time as a social worker and had no business background, the transition into entrepreneurship presented a steep learning curve. A small corps of businesswomen in Minneapolis, along with a state senator, swooped in to help bring her product to market. Asiya’s story shows how mentors can be integral to a new business’s growth.

A year and a half ago, an early design of what would become the Asiya hijab caught the eye of Minnesota State Senator Kari Dziedzic during a fashion show. She recognized a potential benefit to the state’s Muslim girls and to the economy, in terms of job creation, so she volunteered to help connect Ms. Hussein with local entrepreneurs. One of them was Monica Nassif, the founder of the Caldrea Company and Mrs. Meyer’s Clean Day, both of which make aromatic cleaning products. Ms. Nassif said she was drawn to the idea right away.

“I grew up in a family of athletes, and I knew the power of sport,” she said.

Ms. Nassif began advising Ms. Hussein on a volunteer basis, as did a couple of other businesswomen. “What are you good at? What do you have time for?” were her initial questions for Ms. Hussein, she said.

The two biggest challenges to Ms. Hussein’s success, as Ms. Nassif saw it, were time and money constraints. She felt strongly that Asiya needed to be the first to market in the United States, which would require the company to raise capital.

“If you look at any category, the first three players get to own the shelf,” she said. “The shelf in the retail store, or the shelf in the consumer’s mind. It’s really important to be one of the leaders.”

Getting any product to market quickly requires focus, and often entrepreneurs get in their own way. “I call it falling in love with yourself,” Ms. Nassif said. “A lot of people get so enraptured with their idea that they can’t actually put their head down and get the work done.”

While Ms. Hussein understood the product, she would need a partner who could help figure out how to sell it. By putting out feelers at the University of Minnesota’s Carlson School of Management, Ms. Nassif found an M.B.A. student named Jamie Glover who was interested in teaming up with Ms. Hussein. Ms. Glover had spent a decade working in marketing, at 3M and at a local advertising agency. She had also played on her college’s varsity softball and volleyball teams.

Once she agreed to join forces with Ms. Hussein, they officially started Asiya. The company researched fabrics and had the participants in Ms. Hussein’s Girls gym program test prototypes.

“Not only did it need to be a sweat-wicking, breathable performance fabric, but because it’s on your face and neck, it had to be very lightweight, soft and stretchy,” Ms. Glover said, adding that they were determined to find an American manufacturer.

In order to raise money and do yet more networking, the Asiya founders entered their business plan last year in a start-up competition called the Minnesota Cup, which attracted more than 1,500 participants. Asiya won the social entrepreneurship category and was chosen as the top woman-led and minority-led business — honors that pulled in $65,000 in capital.

Last fall, Asiya raised an additional $38,000 through a Kickstarter campaign. In February it plans to begin delivering hijabs to its 859 Kickstarter backers. The hijabs were priced at $25 apiece on Kickstarter, but Ms. Hussein and Ms. Glover have yet to set a permanent price. They will sell the hijabs, which are manufactured in Brainerd, Minn., on the Asiya website starting Feb. 1. They also hope to sell them at sporting goods stores and through retailers that specialize in modest clothing.

Next year, they plan to expand the business to include swimwear and active wear, and they will market the brand not just to Muslims, but also more broadly to girls and women interested in modest apparel.

Asiya will be competing with several small international businesses, including Ahiida, credited with creating the “burkini” bathing suit; the Dutch company Capsters, which has been making sports hijabs since 2001; and Friniggi, a Botswana-based seller of hijabs and modest sportswear. .

Ms. Hussein and Ms. Glover have also worked to gain official approval for girls to wear their hijabs in Minnesota schools’ sports competitions. A few months ago, the Asiya designs were deemed to be in compliance with safety and design standards for sports uniforms, hastening Ms. Hussein and Ms. Glover’s goal: a time when “we just let girls compete,” Ms. Glover said, “regardless of what they want to wear.”

Duale belongs in jail, Farah Maalim says after alleged incitement remarks – The Star

$
0
0
Advertisment

Majority leader Aden Duale is a criminal who should not be walking free, former Deputy Speaker Farah Maalim has said.

The Garrisa township MP aspirant said Duale should be arrested and arraigned in court over incitement remarks.

Farah said that two days after a clip in which Duale is heard inciting local youths against members of the Kamba community surfaced on social media, two members of the community were beaten up and injured in Garissa

“Duale is a criminal who should not be walking free. If the Government is serious about taming violence, President Uhuru should instruct the Inspector General of Police to arrest Duale today and he be charged in court. He should be committed to jail and its immoral for him to roam around after inciting people to violence,” Maalim said.

Duale has dismissed as outrageous the audio clip widely circulated on social media, and which resulted in a call for his arrested under Twitter hash tag #ArrestDuale.

The Garissa Town MP denied that the voice was his and demanded confirmation of the venue, who the youths being addressed were and any other evidence.

“In my opinion it is concocted propaganda,” he told the Star by phone on Thursday, adding the clip was “corrupted”.

Read: [AUDIO] Duale dismisses audio of incitement against Kamba voters as concocted propaganda

Speaking outside the CID headquarters on Kiambu road, Farah said he had visited the Directorate of Criminal Investigations to explain to them why Duale should be arrested and charged.

“Duale has incited Garissa locals against the Kambas. He is heard very clearly in the clip doing rounds on social media asking locals to resent Kambas. Now two people have been injured as we speak. He belongs to jail and should have been arrested,” Farah said.

On Friday, the national cohesion team said it has launched investigations to unravel the voice in the incitement audio.

The speaker in the recording is heard asking youths not to allow Kamba’s to register as voters in the August 8 general election, and to prevent their movement to poll centres in Garissa.

NCIC chairman Francis ole Kaparo told the Star on phone on Friday that the commission’s probe will be centred on establishing the veracity of the two-minute clip.

Read: NCIC opens probe on incitement audio clip linked to Duale

Farah asked the police to arrest Duale for incitement just like they did when Machakos Senator Johnstone Muthama, Suna East MP Junet Mohamed, Busia women rep Florence Mutua, Gatundu South MP Moses Kuria were arrested and charged in court.

He said Duale’s actions are a recipe for another post election violence in 2017.

In April 2014, Duale was also captured on TV asking those throwing grenades in Eastleigh to go do so in Machakos so that Eastleigh residents are not harassed in police swoops.

The video showed Duale asking those behind the terror attacks in Eastleigh to stop doing so as they were hurting the interests of local traders.

Speaking in vernacular, Duale said: “We Somalis of Kenya… We invested our money in Eastleigh. This is where our economy is based.”

He added : “Eastleigh is our umbilical cord. You must arrest anyone who is spoiling Eastleigh — even if he is Adan Barre’s brother. Those who are detonating explosives in Eastleigh should do it elsewhere. Had the one who is detonating explosives here done that in Machakos, do you think the people of Eastleigh would have been harassed?”

Duale latter denied the claims and told the media that he meant the explosives should be thrown in Somali.

AMISOM oo si lama filaan ah u qirtay inay xasuuqday Geela farabadan

$
0
0
Advertisment

Afhayeenka u hadlay howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa sheegay in ciidamadooda ay dileen 25 neef oo Geel ah, halka afar kalana ay dhaawaceen.

Joe Kibet ayaa sheegay in Al-Shabaab weerar qaraxyo ah ay ku soo qaadeen AMISOM xili ay marayeen deegaan lagu magacaabo wareer-maleh oo u dhow magaalada Baraawe ee gobalka Shabeellaha Hoose.

“Inta uu socday dagaalka waxaa leesku adeegsanayay hub culus, xooluhuna waxay daaqayeen halka uu dagaalku ka socday, sidoo kalana waxaa AMISOM ka dhaawacmay labo Askari.” sidaasi waxaa yiri Afhayeenka AMISOM.

Mar la weydiiyay Kibet in uu jiro khasaaro soo gaaray dadka rayid ah ee ka dhawaa, ayaa sheegay in ay arintaa dhici karto, waxaana sheegay in ay suurta galtay maadaama dagaalku uu socday mudo.

Ugu Danbayntii wuxuu sheegay Afhayeenka AMISOM inuu haatan socdo kulan ay la leeyihiin maamulka deegaanka iyo sidoo kale dadkii xoolaha lahaa ayna kala xoojoonayaan waxa dhacay.

Mohammad Javad Zarif oo QM ka dalbaday in laga jawaab baxsho dhibta lagu hayo Muslimiinta Rohingya

$
0
0
Advertisment

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran Mohammad Javad Zarif ayaa u qoray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres isagoo ka dalbaday in tallaabo caalami ah laga qaado si loo joojiyo xadgudubyada xuquuqda ka dhanka ah Muslimiinta Rohingya ee Myanmar.

Warqad lagu hagaajiyay Guterres jimcihii , Zarif ayaa sheegay in dhibaatada haysata Rohingya ay sababtay walaac caalami ah.

Qowmiyadaha Muslimiinta ayaa kaliya loo diidin xaqooda aasaasiga ah waxa sidoo kale loo diiday xaqa ay u leeyihiin inay ka tirsanaadaan dalka iyo dowlada oo iyaga la ilaaliyo – waxa sidoo kale laga difaacin dilalka iyo dulmiga ka baxsan biniaadanimada oo joogta ah maalin walba, ayuu u qoray.

Wasiirka arrimaha dibadda Iran ayaa sidoo kale fariinta u gudbiyay kulanka soo socda ay isugu imaanayaan wasiirada arimaha dibada ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ee ka dhici doona Kuala Lumpur, Malaysia, 19 January si wax looga qabto xaaladda Muslimiinta Rohingya ee Myanmar isagoo ku yidhi kulanka waa in si qoto dheer ay uga hadlaaan dawladaha Islaamka walaaca ku saabsan xaaladaha qowmiyadaha Muslimiinta ‘.

Viewing all 12338 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>