Quantcast
Channel:
Viewing all 12338 articles
Browse latest View live

Bishaaro Bishaaro reer Sweden xawaalad cusub oo aad u raqiisan

$
0
0

Waxa dalka Sweden laga hirgaliyey xawaaalda cusub oo lamagac baxday Raqiis Express. Wa xawaaladi ugu horeysay latimid adeeg aad uga qiima jaban xawaaaldaha kajira dalka.

Wa adeeg loogutalagay qofka heysta Swedbank(internet bank). Qofka asaga oo jooga gurigiisa ayuu ka dirsan kara lacagaha 24 sac. Shirkadaaan cusub waxey ku hanweeyntahay iney mustaqbalka dhow ey sii dhimto khidmada wax lugu diro xawaalada oo hada ka jaban shirkadaha kale boqlkiiba 50%.

Si aad lacagahaada u dirsato adigoo jooga gurigaaga fadlan gal website-ka www.raqiis.se ka dib is diiwaan gali oo kasamayso akoon adiga kuu gaar ah ka dib waxaa si toos ah u diri kartaa lacagaha aad doonaysid inaad dirsato.

FG: Hadii aad u baahan tahay macluumaad dheeri ah waxaad kala xiriiri kartaa teloofoonada hoos kaaga muuqda:

0736-129295
0737-419468

www.raqiis.se Xawaalada Raqiis Express

Raqiis1


Deg-deg: Weeraryahan Martial Oo Manchester U Soo Duuley Si Uu U Dhameystiro Heshiiska Uu……….

$
0
0

xiriirka kubadda cagta dalka France ayaa waxaa ay xaqiijiyeen in da’ yerka kooxda As Monaco weerarka uga ciyaara ee lagu magacaabo Anthony Martial in uu u duuley Magaladda manchester Si uu u dhameystiro heshiiska uu ugu biirayo Manchester United.

Warar maanta soo baxay ayaa sheegaya in Manchester United ay u dadaal galeyso soo qaadashadda xiddigan kadib markii ay dhawaan ku qasaartey saxiixa Pedro.

anthony-martial-monaco

Haddaba Xiddigaan Martial ayaa waxaa uu kamid yahay weeraryahano tiro yer kuwaa oo aad loola xiriirinayey in uu isaga tagayo kooxda As Monaco.

36 Milyan oo ginni lagac lagu sheegey ayuu Martial Manchester United ugu biirayaa.

Wixii warar ahee ku soo kordha xaalada United ee Martial dib ayaan idin kala soo socodsiin doonaa.

DAAWO SAWIRADA Wasiirka Difaaca oo tababar usoo xiray Ciidamo Militeri ah

$
0
0

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Gen. C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa maanta xero ku taala deegaanka Jaziira taba-bar ugu soo xiray ciidamo ka tirsan Xoogga dalka Soomaaliyeed oo halkaas tababar ku qaadanayay muddo dhawr bilood ah.

Ciidankaan ayaa isagu jira Booliska Dableeyda iyo Saraakiil cusub oo kamid noqonaya Xoogga dalka Soomaaliyeed, waxana sidoo kale munaasabadda xiritaanka tababarka ka qayb galay Taliyaha Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed S/G Daahir Aaden Cilmi, Saraakiil ka socotay Midowga Yurub iyo AMISOM oo tababarka qayb kamid ah bixinayay.

Ugu horeyn, Wasiirka ayaa la hadlay Ciidanka Booliska Dableyda ee tababarka dhamaystay isagoo kula dar-daarmay in ay la yimaadaan karti iyo hufnaan, wuxuna tilmaamay in  Booliska Dableey  ay yihiin Ciidanka ugu horeeya ee laga arko dal iyo kartidiis maadaama ay iyagu u xil saaran yihiin soo dhaweynta madaxda Soomaaliya uga imaanaya Caalamka  iyo ilaalinta xarumaha Qaranka.

“Ciidanka maanta taba-barka aan u soo xirnay waa ciidan aqoon iyo karti lagu soo xulay, dhamaantoodna waxay tusaale u yihiin sida ay nooga go’an tahay inaan dhisno ciidan leh muuqaal qaran, kana go’an tahay difaaca dalkooda. Waxaana sharaf u ah dawladda Soomaaliya iyadoo taageero ka helaysa beesha Caalamka inay soo xirto tababarkaan oo soconayey mudo afar bilood ah, waxaana kalsooni buuxda ku qabnaa in ciidankaan ay noqon doono kuwo soo celiya sharaftii iyo kala danbeyntii Qaranka Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya Gen. C/qaadir Sh. Cali Diini  ayaa ku bogaadiyey saraakiisha tababarka dhameystay, wuxuuna tilmamay in saraakiishan saldhiga u yihiin aas-aaska ciidan Qaran oo lagu soo xulay aqoon iyo kartidooda gaar ka ah.

“Waxaan u mahad-celiyaan cid walba oo gacan ka geystay tababarka aad qaadateen, waxa la idinku soo xushay ee maanta la idiin saaray mas’uuliyadaas weyn waa difaaca dalkiina Hooyo, in aad ku soo biirtaan Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed waxay tilmaam cad u tahay sida mar walba ay nooga go’an tahay inaan dib u dhisno ciidan leh tayo iyo tababar ku filan. Maanta laga bilaabo waxaad tihiin saraakiil ka tirsan Xoogga dalka Soomaaliyeed, waana in ay idinka muuqataa masuuliyadaas idin saaran.” Ayuu yiri Wasiir Diini.

General Diini ayaa wuxuu saraakiisha ku boorriyay in laga doonayo in ay si wanaagsan u hoggaamiyaan qeybaha lagu qoray  , isagoo xusay sidoo kale in  looga baahan yahay inay u diyaar garoobaan ciribtirka kooxaha Nabad-diidka ah. Saraakiisha Tababarka dhamaystay ayaa lagu hor dhaariyey Wasiirka Gaashaandhigga, waxuna isla goobta ugu xiray min labo xidiggood.

Kooxo hubeysan oo Magaalada Muqdisho ku toogtay Sargaal Boolis ah

$
0
0

Illaa saddex nin oo bistoolado ku hubeysnaa, ayaa maanta waxay Degmada Dharkiinley ee Gobolka Banaadir ku dileen Madaxii Dembi Baarista Degmadaasi, Ciise Macalin Yariis.

Sarkaalkan oo watay gaarigiisii gaarka ahaa, ayaa waxay raggaasi ku dileen meel aan ka fogayn hoygiisii, iyagoona dhowr xabadood kaga dhuftay qaybaha kore ee jirkiisa.

Dadka deegaanka, ayaa soo sheegaya in raggaasi ay ku baxsadeen dhugdhugley/mooto ay wateen, waxaana lagu guuldareystay in gacanta lagu soo dhigo.

Ciidamada Nabad Suggida iyo Booliska oo mar dambe gaaray halka uu dilku ka dhacay, ayaan u suurta gelin inay sharciga horkeenaan dembiilayaasha.

Maamulka Degmada Dharkiinley iyo Saraakiisha Ciidamada, ayaan weli ka hadlin Sarkaalka maanta lagu dilay Degmadaasi.

Xiddiga Cusub Man United Anthony Martial oo Dhigay Rikoor Suuqa kala iibsiga Adduunka

$
0
0

Anthony Martial ayaa si lama filaan ah waxaa uu ugu biirayaa kooxda Manchester United goordhow waxaana uu ku sugan yahay haatan xerada tababarka kooxda.

Ciyaaryahankan oo ah 19 jir ayaa United waxaa uu ugu soo wareegay kooxda Monaco.

Van Gaal ayaa kalsooni ku qaba xiddigan inuu Man United guulo la gaari karo maadaama uu xagaagii hore daawaday marar badan isagoo ciyaaraya.

36 Milyan ayey kula wareegeysaa Man United wiilkan taas oo ka dhigeysa xiddigii ugu yaraa taariiqda ee lacago badan lagu iibsado.

Rikoorkaas waxaa uu kala wareegayaa Lucas Mouro oo 31.8 Milyan ugu biiray PSG haatan waxaa uu noqonayaa ninka labaad.

Luka Shaw ayaa ah da’yarka seddexaad ee lacagaha ugu badan lagu soo iibsaday,waxaa ku xiga Marquinhos iyo Rooney oo heshiiskan uu ka dhigayo ninka shabaad ee ugu yaraa oo lacago qaali lagu iibsaday.

Liiska da’yarada ugu qaalisanaa Taariiqda waa Sidan

CNwn4oQXAAAY4tu (2)

DEG DEG Wasaarada arimaha gudaha oo go’aan ka gaartay shirka maamul u sameynta labada gobol ee Hiiraan iyo Shabelaha dhexe

$
0
0

Wasaarada arimaha gudaha Soomaaliya ayaa sheegtay inay dib u dhac ku sameyneyso shirka maamul u sameynta labada gobol ee Hiiraan iyo Shabelaha dhexe oo laga dhoorsugaayay.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in sababo badan awgeed dib loogu dhigay shirka balse ay Dowladu ka fiirsaneyso qaabka uu ku furmi lahaa shirka.

Afhayeen Wasaarada Arrimaha Gudaha C/fataax Daahir Mire ayaa sheegay inay jiraan cilado farabadan oo Wasaarada ka heysta dhanka labadaasi gobol balse maalmaha soo socda la rajeynaayo in xal laga gaaro.

Afhayeenka si cad uma uusan sheegin sababta rasmiga ah oo ay Dowladu dib ugu dhigeyso shirka waxa uuna ku gaabsaday inay jirto cilado yar yar.

Wasaaradu ma aysan sheegin xiliga uu shirka furmi doono kadib markii afhayeenka uu ka gaabsaday su’aalo dhowr ah oo laga weydiiyay sababta.

Go’aankaani ay wasaaradu ku hakisay Shirka ayaa daba socda qilaaf ka taagan qaabka loo mideyn lahaa Odayaasha iyo Siyaasiyiinta kasoo jeeda Hiiraan iyo Shabelaha dhexe

Akhriso: Maxaa ka cusub xaaladda De Gea iyo Iyo Real Madrid.

$
0
0

Kooxaha kala ah Manchester United iyo weliba sidoo kale Real Madrid ayaa ka heshiiyey qiimaha lagu kala qaadanayo saxiixa goolhaye David De Gea.

Real Madrid ayaa bixineysa goolhayaheeda Navas iyo weliba sidoo kale aduun lacageed gaaraya 8 milyan caawa si ay u hesho saxiixa De Gea.

 

Weli waxaan dhicin heshiiskaasi balse waaa la isku af gartey labadda kooxodba.

Wixii warar ahee ka soo kordha dib ayaan idin kala soo socodsiin doonaa.

 

Kadib Kevin De Bruyne,Liiska 10-ka laacib ee ugu qaalisanaa Taariiqda Premier league

$
0
0

Suuqa kala iibsiga England ayaa xermaya habeen dambe iyadoo uusan wax iska badalin Ninka ugu qaalisan horyaalka Premier league taariiqda.

Angel di Maria ayaa ah ninka ugu qaalisan horyaalka England waxaana Real Madrid uu uga soo tagay lacag dhan 59.7 Milyan.

Laakiin waxaa ku dhawaaday inuu rikoorkaas jibiyo xiddiga Man City ugu qaalisan ee Kivin De Bruyne oo lagula soo wareegay 54.5 Milyan.

Tores ayaa ah isagana wali xiddiga seddexaad ee ugu qaalisan horyaalka EPL-ka.

CNr6iS2WoAAbj4e

Liiska 10-ka xiddig ee ugu qaalisan Premier league waa kuwan.

  1. Angel Di Maria – £59.7m, Real Madrid to Manchester United
  2. Kevin De Bruyne – £54.5m, Wolfsburg to Manchester City
  3. Fernando Torres – £50m, Liverpool to Chelsea
  4. Raheem Sterling – £49m, Liverpool to Manchester City
  5. Mesut Ozil – £42.5m, Real Madrid to Arsenal
  6. Sergio Aguero – £38m, Atletico Madrid to Manchester City
  7. Juan Mata – £37.1m, Chelsea to Manchester United
  8. Andy Carroll – £35m, Newcastle to Liverpool
  9. Alexis Sanchez – £35m, Barcelona to Arsenal
  1. Fernandinho – £34m, Shakhtar Donetsk to Manchester City

Rasmi: Chelsea Oo Da’ Yerkeeda Piazon Amaah ku Siisey Kooxda Reading.

$
0
0

Kooxda ka ciyaarta horyaalka heerka labaad ee Champions League-ga ee Reading ayaa waxaa ay ku dhawaaqdey in ay heshiis amaah ah ku soo qaadatey xiddig weerarka uga ciyaara kooxda Chelsea ee lagu magacaabo Lucas Piazon.

21 jirkan ayaa sanadkii 2012kii yimid kooxda Chelsea isagoo ka yimid dhanka koxda Sao Paolo ee ka ciyaarta dalkiisa hooyo ee Brazil.

Pia

” Piazon waa weeraryahan da’ yer oo aad u tayo wanaagsan guulo badan ayuuna la gaari karaa kooxda” waxaa sidaasi lagu yiri war qoraal ah oo ay kooxda Reading soo saartey.

Piazon ayaa xulkiisa qaranka ee Brazil ee da’doodu ka hooseyso 23 jiradda dhowr kulan u saftey.

Heshiis Dhacay: Manchester City Oo Amaah Mid Kamid Ah Daafacyadeeda Wanaagsan Ku Siisey Galatasaray.

$
0
0

Jason Denayer daafaca kooxda Manchester City ayaa caawa waxaa uu heshiis Amaah ah ugu biirey kooxda Galatasaray ee reer Turkey.

20 jirkan reer Belgium ayaa waxaa uu Manchester City ka ahaa mid aan aad loo isticmaalin isagoona inta badan Amaah ku qaatey waqtigiisa uu kooxda la joogo intiisa badan.

jason-denayer-manchester-city

Heshiiska uu Jason Denayer ugu biirey kooxda Galatasaray ayaa waxaa lagu xaqiijiyey website-ka kooxda Manchester City.

BIshii July ee sanadkan ayuu Jason Denayer kooxdiisa City u saxiixey heshiis cusub oo ku kacaaya ilaa 5 sanadood.

Rasmi: Xiddigii Inter Milan Ee Hernanes Oo Si Rasmi Ah Ugu Biirey Juventus.

$
0
0

Beppe Marotta Agaasimaha kooxda Juventus ayaa waxaa uu xaqiijiyey in kooxdiisa ay Inter Milan kala so wareegtey xiddiga reer Brazil ee lagu magacaabo Hernanes.

Juventus ayaa waxaa ay xaqiijisey in Xiddigaan Hernanes ay kula soo wareegtey aduun lacageed gaaraya ilaa iyo 11 Milyan oo ginni, isagona u saxiixey 3sanadood.

Hernanes-med490juve” Hernanes hadda kadib waa ciyaaryahan ka tirsan kooxda Juventus waxaan ku soo iibsaney aduun lacageed gaaraya ilaa iyo 11 Milyan oo ginni” sidaasi waxaa lagu yiri war ay Juventus soo saartey.

Hernanes ayaa Inter Milan ku soo biirey sanadkii hore isagoo aduun lacageed gaaraya 18 Milyan kaga soo dhaqaaqey Lazio.

Top News: Angel Di Maria Oo Sabaabtii Ugu Weyn Ee Uu Manchester United Uga Soo Tagay Shaaca Ka Qaadey.

$
0
0

Angel Di Maria dhawaan galka kooxda PSG ayaa waxaa uu ka warbixiyey sababtii rasmiga aheyd ee uu uga soo tagay kooxdiisa manchester United.

Di Maria ayaa sheegey in Manchester United sababta ugu weyn ee uu uga soo tagay in ay tahay isfahan la’aan isaga iyo Macalin Van Gaal u dhaxeysey.

Di

” Macalin Van Gaal waxaa uu isticmaalaa qaacidooyin isaga u gaar ah waana midaas mida iga dhigtey in aan isaga soo tago Manchester United” ayuu yiri Angel Di Maria.

” run ahaantii waa ay adagtahay in aad la qabsato Macalin Van Gaal iyo dhaqamadiisa gaarka ah, waana midaas mida Manchester United iga so kaxeysey oo aan PSG u soo doortey” ayuu yiri Di MaRIA.

Xagaagan ayuu Di Maria Manchester United isaga soo tagay kuna soo biirey Kooxda PSG kadib hal xili ciyaareed oo uu United-ka la joogey.

 

Rasmi: Felipe Melo Oo Ku Biirey Kooxda Inter Milan.

$
0
0

Felipe Melo xiddiga qadka dhaxe ka ciyaara ee  reer Brazil iyo kooxda Galatasaray ee reer Turkey ayaa lagu soo waramayaa in uu ku biirey kooxda Inter Milan.

Lacagta rasmiga ah ee ay Inter Milan ku qaadatey xiddigaan Felipe Melo ayaan la ogeyn waxaase loo maleynayaa in ay tahay aduun lacageed gaaraya ilaa iyo 3.5 Milyan oo ginni.

Melo-praisethelord490epa_9

Inter Milan ayaa caawa lumisey xiddigeedi Hernandez kaa oo ay ka iibisey Juvenuts oo ku qaadatey aduun lacageed gaaraya ilaa iyo 11 Milyan oo ginni.

 

WAR CADAADAY: De Gea oo sii joogi doona Manchester United

$
0
0

De Gea kuma biirin Real Madrid waxaana uu sii joogi doonaa Old Trafford sidaasi waxaa soo qortay Sky Sports oo soo xiganaysay wariyaheeda u joga dalka Spain Guilem Balague.

Wax waliba oo De Gea kusaabsanaa ee u wareegida Real Madrid ayaa fashilmay waxaana uu warka ku idil yahay in Manchester United ay ku adkeysay Real Madrid.

Wararka ugu danbeeyey ee kasoo baxaya Spian ayaa sheegaya in Manchester United ay diiday inuu ku biiro Madrid..

 

wixii kasoo baxa nala soco inta aynu hawada kusii jirno…..

Madrid

Maxaa fashiliyey De Gea inuu ku biiro Real Madrid WARBIXIN AYAN IDIINKAGA HAYNAA!!!

$
0
0

Wararka kasoo baxaaya magaalada Madrid ayna qorayaan saxaafada ayaa lagu sheegayaa in kooxda Manchester United ay heshiis 29 Milyan oo Bound oo lagu daray goolhayaha Madrid Navas ay ku doonayeen ineey kula soo wareegaan David de Gea maxaase dhacay oo fashiliyey?

Xaalka labadaan koox ayaa noqotay mid isku xumeyn ah inkastoo xiriir ganacsi oo dheer uu ka dhaxeeyo, waxaase dhacday arrin aad u xun oo labada kooxood ay dhinac waliba isku eedeynayaan.

De Gea mar hadii lagu heshiiyey beeciisa maxaa keenay in heshiiska la dhamaystiri waayo, Real Madrid hadal gaaban oo kasoo baxay ayay ku sheegeen in Manchester United ay warqadihii kala wareejinta ku daahiyeen oo waqtiga ay ku rideen iyadoo 12:00 xiligii saqda dhexe uu suuqa xirmaayey ay United iska indha tirtay dukumentigii looga baahnaa.

Tani waxa ay saxaafada ku sheegeen in ay United ugu talo gashay oo ay kaga aarsanaysay hadalkii Sergio Ramos (not going to Old Trafford). Sergio Ramos kuma biirayo Old Trafford.

Maamulka Real Madrid ayaa dhowr daqiiqo ka codsatay maamulka La Liga ee Spain hase yeeshee jawaabtu waxay noqotay NO diidmo qayaxan. Waxaana sidaan oo kale ay sannadki hore ku dhacday Fabio Coentrao oo la rajaynayey inuu United ku biiro ay Madrid gacan bidixeeysay, isla markaana ay kaliftay inuu iska joogo Real.

Xaalka waa u qasan yahay waxayna Real Madrid saxaafada u sheegeen in berito 1:00 duhurnimo ay ka sheekeyn doonaan wixii qaldamay, waxaase iska cad in De Gea oo caawa ku sugnaa guriga saaxiibtiis uusan ku biiri doonin Real Madrid.

Dhanka kale Manchester United ayaa iska fogeysay eedaymaha loo soo jeediyey ayna cadeysay ineey warqadihii laga sugaayey ay u direen balse xaalka ayaa u eg mid la isku tuurtuurayo waxaana mugdi ku jira xaalka De Gea oo noqon kara inuu bahdilaad kala kulmo odayga aan jixin jixin ee Van Gaal ama inuu saxiixo heshiis cusub oo ku xaqiijinayo inuu joogo Old Trafford.

Ugu danbeyntii De Gea ayaa laga yaabaa in sannadka soo socda uu ugu wareego beeca xorta ah inkastoo ay dhici karto in maamulka horyaalka La liga ay ufasaxaan inuu ku biiri karo De Gea kooxda Madrid.

Warar iska soo daba dhacaaya ayaa sheegaya in Labada kooxood ee United iyo Madrid ay abiil ka qaadanayaan dacwadna u gudbiyeen hogaanka La Liga taasoo ay ku doodayaan in warqadihii goor hore ay United soo dirtay balse lama oga ineey ku guuleysan doonaan iyo inkale..

De gea


Hambalyo Aroos. Maxamed Xasan Qarni iyo Samiira A. Maxamud Gucaad oo ku aqal Galay Stockholm Sweden SAWIRO+

$
0
0

Jaaliyada reer Jowhar oo isku duuban meel kastoo ay aduunka ka joogaan iyo dadka magacyadooda hoos ku qoran waxay tahniyad iyo hambalyo hawada umarsiinayaan Arooska iyo Aroosadda Maxamed Xasan Qarni (Qeys) iyo Samiira Cabdi Maxamud Gucaad oo meherka iyo aqalgalkooda ka dhacay dalka Arvika iyo Stockholm Sweden, waxaayna dadkaasi dhamaan leeyihiin isku waara oo kala hela ubad qeyr qaba Inshaa Allah AAMIIN.

DADKA TAHNIYADA DIRAAYA AYAA KALA AH:

  1. Aabo Cabdi Maxamuud Gucaan
  2. Mama Zubeyda
  3. Maxamed Cabdulle Xasan “Siidi”  Dalka Sweden
  4. Muriidi Xaamud Cabdulaahi iyo Xaaskiisa dalka Sweden
  5. Nuuradiin Cali Xasan iyo Xaaskiisa Maryama Gucaad Dalka Sweden
  6. Cali Cabdulaahi Abkow iyo Xaaskiisa Sweden
  7. Cabdulqaadir Maxamed Xasan “Kookow” iyo Xaaskiisa Dalka Sweden
  8. Dhamaan reer Maxamuud Gucaad meel waliba oo dunida ay ka joogaan.
  9. A. Naasir Cali Qalac iyo Xaaskiisa Norway Oslo
  10. Xuseen Cabdulle Shaaciye iyo Xaaskiisa cusub Oslo iyo Göteborg
  11. Cabdiraxmaan Xudeyfi iyo Xaaskiisa Oslo iyo Katarinoholm Sweden
  12. Salaad Iidow Xasan “Salaad Xiis” iyo Xaaskiisa Iskalistuna Sweden
  13. Yuusuf Maxamud Yuusuf Ceelshube “Yuusufeey” iyo Xaaskiisa Ayaan. Göteborg Sweden.
  14. Macallin Ibraahim Dhalimeey iyo Xaaskiisa Maryama
  15. Ilmo Maxamuud Yuusuf “Ceel Shube”
  16. Reer Xaaji Marshaale Jaamoow meelkastoo ay dunida ka joogaan.
  17. Samiira Duus Maxamuud. Oslo – Norway
  18. Cabdirahmaan Siidi Uganda – Kampala
  19. Cabdinaasir Siidi – Sweden Borlänge
  20. Cabdimaalik Siidi – Sweden Borlänge
  21. Cabdiqani Ooroloojo London – UK
  22. Jaaliyada reer Jowhar ee ku nool dalka Ingiriiska
  23. Faadumo Hilowle Imaan Cumar
  24. Cabdulqaadir Maxamed Xasan “Joon”  Jowhar – Somalia
  25. Xasankeyf Dhagacade  Jowhar – Somalia
  26. C/Casiis Xasan Maxamed “Golf” Soomaaliya Muqdisho
  27. Xaseey Maxaad “Kumaari”  G/Sh/Dhexe – Jowhar
  28. Ismaaciil Cumaraani “Ismaacil Khaliil” iyo Xaaskiisa Borlänge – Sweden
  29. Gudoomiyaha Jaaliyada reer Jowhar Sweden Md. Gardheere iyo Xaaskiisa.
  30. Cabdulaahi Hussien “Laayoo” Sweden – Borlange
  31. Sacdiya Sheekh Cali Tuure caasimada Finland Helsinki
  32. Safiyo Tifow Nuur iyo odaygeeda Cumar Pilot Somalia iyo Norway.
  33. Sahra Maxamed Xersi Sweden iyo wiilkeeda Abdiqadar Siidi Borlänge Sweden.
  34. Cabdulaahi Cali Cumaroow “JEEGO” iyo Xaaskiisa Borlänge – Sweden
  35. Nadiifo Xaaji Toxob Swedzerland.
  36. Cali Xaaji Toxob Holand.
  37. Sahra Sheekh Cali Tuure iyo Odaygeeda Baashi Finland Helsink
  38. Xasan Baaba Jeej Norwey
  39. Maxamed Injineer Abuukar “Isnaay” Sweden – Borlänge
  40. Yaasiin Xaaji Toxob Swedzerland
  41. Xaawo Xaaji Toxob Norway
  42. Caasho Xaaji Toxob Holland.
  43. Cismaan Zubeyr oo loo yaqaan Afsoomaali Borlänge – Sweden
  44. Cabdirahmaan Axmed Cumar “Doodaaye” iyo Xaaskiisa Sweden Stockholm
  45. Faarax Xaaji Maxamed “Yaanyow” xaaskiisa iyo caruurtiisa boqortooyada Sacuudiga Jeddah
  46. Daahir Cumar Taneeti  Sweden magaalada Borlänge
  47. Saciid Xagee Afrax Somalia – Hargeysa
  48. Mohamed Ibraahim Moallimuu Muqdisho – Somalia
  49. Fu’aad Axmedeey Hiloowle iyo Xaaskiisa iyo caruurtiisaFinland ee Helsink
  50. Cabdi Muxumad Xiireey  Finland
  51. Cumar Xakiim Gacal  iyo Xaaskiisa Sweden
  52. Abuukar Gacal dalka Sweden.
  53. Cumar Cali Nuur iyo Xaaskiisa Holland
  54. Cabdow Caramram Sharaf  Jowhar / Somalia
  55. Raage Xasan Xuuti iyo Xaaskiisa iyo caruurtiisa England
  56. Xasan Aadan Samatar Oslo – Norway
  57. Maryan Shiikh C/raxmaan (Maryan Yariisey)  Köping dalka Sweden
  58. Xassan Dalfaceey oo ku nool Swetzerland
  59. Axmed Safi Cabdulaahi Hiloowle USA.
  60. Reer Maxamed Faarax Holac oo ku nool aduunka daafahiisa
  61. Cismaan Maxamuud Sheekh “Cismaan Carab”  Somalia Muqdisho
  62. Maxamed Xuseen Waasuge “Yaanya”  Jowhar
  63. Colaad Muxumad Xiireey Denmark
  64. Cumar Fareey Dhicisoow  South Afrika
  65. C/raxmaan Maxamed Jarras iyo Xaaskiisa “Maanoow”  Holland
  66. Cabdulqaadir Mooge Cali  England magaalada London
  67. Reer Mooge Cali oo ku nool Finland
  68. Ruuxi Axmadeey Hiloowle iyo Xaaskiisa Finland – Helsinki
  69. Cali Cabdalle Suufi Abujeey Turkey.
  70. Maxamed Cabdulle “Dhicisow”  South Afrika
  71. Faarax Xaaji Cali Nuur koonfur Afrika
  72. Cumar Farey Dhicisow iyo Xaaskiisa south Afrika
  73. Liibaan Cali “Zola” koonfur Afrika
  74. Mooge Cumar Goosaar Flen ee dalka Sweden
  75. Axmadeey Cabdulle Bahgari  London England
  76. Maxamed Deeq Cabdi Cashuur  London UK
  77. Cabdi Xuseen Cali “Kuukaay oo ku nool USA
  78. Axmed Xaaji Cali Nuur “Hiira”  Koonfur Afrika
  79. Cabdulaahi Cali Cismaan “Moobla”  Koonfur Afrika
  80. Maxamed Cali Xasan “Yuukeey”  Koonfur Afrika
  81. C/casiis Jeeg  Adis Ababa Ethiopia
  82. C/salaan Shiikh Beeso “Nuunkey”  dalka Austria
  83. Liibaan Dacayeey  Denmark
  84. Nuur Xasan Nuur “Buqaari” Washington DC.
  85. Ibraahim Xaaji Axmedaay  Turkey
  86. Maxamed Shiikh Xuseen  Sweden – Stockholm
  87. Cumar Cali Qalac  Sweden Stockholm
  88. C/Khadar Xuseen Waasuge  Koonfur Afrika
  89. Mahdi Xasan Fiiqoow  Jowhar – Somalia
  90. Cali Malaay  Somalia – Jowhar
  91. Cataas Odawaa Jimcaale  Somalia – Muqdisho
  92. Yuusuf Xaamud Jaras  Somalia – Jowhar
  93. Baraako Maxamed Cismaan Umeå – Sweden
  94. Cabdirashiid Xasan Dhageey USA
  95. Muriidi Cali Qalac oo ku nool Oslo – Norway
  96. Cadnaan Cali Shire oo ku nool Oslo – Norway
  97. Shire Cali Qalac oo ku nool USA
  98. Ciise Muxudiin Gabre Barliin – Germany
  99. Sahra Macallin Cabdulle Foolyareey Denmark
  100. Maxamed Cali Deexeey Gothernberg – Sweden
  101. Farxaan Tifoow – Gothernberg – Sweden
  102. Abshiro Tifoow / Göteborg.
  103. Farxiyo Tifoow – Göteborg.
  104. iyo dhamaan inta aan magacyadooda ka tagay oo idil.

Dhamaan dadkaani waxay hambalyo hawada umarsiinayaan arooska Maxamed Xasan Qarni iyo Samiira Cabdi Maxamud Gucaad waxay leeyihiin kii loo aayo kala hele ubad baariyaal ah AAMMIIIIN AAAMIIN.

IMG_4932 IMG_4895 IMG_4894 IMG_4847 IMG_4836 IMG_4834 IMG_4824 IMG_4815 IMG_4802 IMG_4783 IMG_4769 IMG_4737 IMG_4729 IMG_4728 IMG_4718 IMG_4713 IMG_4708 IMG_4706 IMG_4703 IMG_4698 IMG_4696 IMG_4691 IMG_4663 IMG_4652 IMG_4639 IMG_4635 IMG_4632 IMG_4624 IMG_4618 IMG_4617 IMG_4615 IMG_4614 IMG_4602 IMG_4592 IMG_4589 IMG_4586 IMG_4574 IMG_4567 IMG_4564 IMG_4561 IMG_4552 IMG_4545 IMG_4525 IMG_4520 IMG_4518

Hawl-galka Galkacyo iyo saamaynta uu shacabka ku yeeshay

$
0
0

Horudha: 22/08/2015 waxa bartamaha magaalada Galkacyo ka bilowday hawlgal ballaaran oo loogu magacdaray qorshaynta iyo dib u habaynta magaalada. Waxaa si gaar ah bartilmaameedku ahaa xaruntii baanka ee gobolka, gurigii gobolka iyo in ay gacanta dowladda ku soo laabtaan dhammaan xarumihii dowladdii hore kuwaas oo in ka badan 25 sano ku jiray gacanta shacabka.

1

Waxaan guud ahaan soo dhaweynaya qorshaha dib u soo celinta bilicda magaalada, furidda waddooyinkii xirmay iyo bixinta wadooyin cusub oo magaaladu yeelato. Waxaan kale oo aan ku talin lahaa in magaalada loo sameeyo biyo mareeno si looga baaqsado cudurada iyo nadaafad darrada ay sababaan biyaha maagalada dhex fariista xilli roobaadka.

Guud ahaan shacabka Galkacyo way soo dhaweeyeen hal abuurka dowladda wayna u dhega nuglaadeen baaqii ahaa banaynta xarumahaas, waxayna si hanbalaalaq iyo kala carar leh uga gurteen alaabtoodii goobihi la duminayey. Sidoo kale waxaa shacabka lagu aamaanay rabitaanka waxqabad dowli ah oo gobolka ka hirgala iyo martigelintii fiicnayd ee ay u sameeyeen ergadii ka qeyb gashay shir weynihii dhacay.

Khaladaadka dhacay

Saacado ka dib markuu Madaxweynuhu soo galay magaalada wuxuu magacaabay saddex guddi oo uu ka midyahay kan uu u xilsaaray bilicda magaalada iyo hantida dowladda. Run ahaantii guddigu ma ahayn mid aqoon ahaan iyo khibraad ahaanba isku miisaaman waxaadna mooda in ay mararka qaarkood lahaayeen ujeedooyin iska hor imaanaya.

Guddigaas aniga oo ku aamanaya waxyabaha wanaagsan ee ay qabteen hadana waxaa ka mid ahaa khaladaadka ay galeen:

· Guddiga iyo dowladda hoose midkoodna ma soo bandhigin sida ay doonayaan in ay magaalada wax uga qabtaan, sidoo kale shaqadii dowladda hoose waxa la wareegay xubno guddiga ka mid ah.

· Guddigu ma samayn qorshe magaalo (Town plan) kaas wata naqshadii iyo habka ay doonayeen in ay magaaladu u ekaado hawlgalka ka dib.

2

· Guddigu ma samayn la tashi bulshada gobolka sidoo kalana uma soo bandhigin qorshaha haduuba jiray iyo sida ay doonayaan in ay magaalada wax uga qabtaan

· Dadka laga duminayey xarumaha ganacsi ama deegaan lama siin waqti ku filan oo ay ku baneeyaan ama hantidooda ku uruursadaan

· Waxaa la dumiyey xarumo dowladeed oo aysan jirin sabab cad oo loo dumiyey maadaama ay dhisme ahaan ahaayeen kuwo adag dowladduna siyaabo kale uga faa’iidaysan kartay, hadii loo baahdana dayactir yar u baahna.

· Waxa in badan shacabku ka cabanayaan in la dumiyey ama la calaamadiyey guryo ganacsi ama deegaan oo leh sharciyad dowladdii dhexe ee Soomaaliya ay bixisay ama ka hor kuwaas oo aan ku fadhiyin wado, hor ool xarun dowladeed guddiguna sharixi karin sababta loo dumiyey

· Waxa aad u hoosaysa wada shaqaynta ka dhaxaysa guddiga dhexdiisa iyagoo marar badan ku murma iskuna khilaafa hawlmaalmeedkooda, taasna waxa sabab u ah guddiga oo aan qorshe guud dejin ee taa badalkeeda ku hawlgala hadba waxa subaxaa horyaal.

· Waxa jira xubno si gaar ah uga soo dheereeyey guddiga kuwaas oo mararka qaarkood ka xoogbadiya guddiga intiisa kale iyo dowladda hoosaba.

· Mararka qaarkood go’anka guri lagu duminayo wuxuu ka go’a dhalinta calaamadinaysa iyagoo isku qabsada calaamadi kan iyo mayee ka daa oo hadii mid ku adkayso sidaas lagu dumiyo hanti qofeed iyadoo aan sharciyad iyo qurxin magaalo midna loo eegin.

· In aan waxba laga qaban wadooyinkii xirnaa ee ay ahayd horaantiiba in wax laga qabto, indhihii dowladdana lagu jeediyey meelo aan bilicda iyo wadooyinka midna wax u dhimayn.

· Shacabka oo ka dacwoonayey in aan hab cadaalad ah wax loo wadin iyadoo meelaha qaar ka hordhisan xarun dowlo ama waddo aan wax laga qaban.

· Naafooyin iyo dad jilicsan oo meelihii ay ku noolaayeen dowladdu ka saartay ama dumisay oo aan wax qorshe ah loo samayn.

Waxayaaba ka dhalan kara:

3

In kalsoonida shacabku ay dowladdooda ku qabaan dhunto kuwaas oo markii hore si hididiilo iyo wanaag leh u soo dhaweeyey hawlgalka dowladda

· In dad shacab ah oo aan wax lug ah ku lahayn ku habsashada hantida dowladda lagu xadgudbo hantidoodiina sidaa lagu dumiyo waliba iyagoon waxba kala bixin.

· In fashil ku yimaado hawlgalkii dowladda maadaama uusan qorshe fadhiya lahayn dadka iyo xukuumadduna iska horyimaadaan

· In dadka qaarkood ka horyimaadaan hawlkgalka marka ay arkaan in aan guddigu hab cadaalad ah iyo hab qorshaysan midna wax ku wadin

4

Gunaanad:

Ugu danbayntii, xukuumadda, dolwadda hoose iyo guddiga loo xilsaaray dib u qaabaynta magaaladu waxay u baahan yihiin in ay dib u eegis ku sameeyaan qorshahooda, sidoo kalana ay ka dhigaan nidaamkooda mid isku xiran. Waxaa muhiim ah in xaafadaha magaalada iyo guud ahaan bulshada ku dhaqan magaalada talada wax laga siiyo, sidoo kalana lala socodsiiyo waxa ay dowladdu ka damacsan tahay xarumaha la banneeyey iyo sababta loo dumiyey kuwa la dumiyey. Waxa su’alo ka imaanayaan qofwalbana ay tahay inuu isweydiiyo goobaha la dumiyey ma dib baa loo dhisaya oo shacabka ayaa looga fa’iidaynaya mise waxa jira qorshayaal kale oo dowladda wali u qarsoon?

Dhammaad
Mohamed Abdi Baldho

Maleeshiyaadka Axmed Madoobe oo dhalinyaro dil fool xun u geystay

$
0
0

Afar qof oo mid ka mid ah ay ahayd dumar, ayaa lagala baxay xabsiga degmada Dooloow ee gobolka Gedo, kadibna la dilay.

Dadkaas, ayaa sida wararku ay sheegayaa waxaa la baxay koox hubeysan. Dadka la dilay waxaa ku jiran nin hore macallin u ahaan jiray.

Guddoomiyaha gobolka Bay Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed, ayaa VOA-da u sheegay in dadka la dilay uu ku jiro walaalkiis, balse aanu wax shaqo ah ku lahayn maleeshiyada Al-Shabaab sida lagu eedeeyey.

Dhinaca Kale guddoomiyaha Degmada Dooloow Aadan Barre Cali “Aadan Madoobe”, ayaa sheegay in dadka la dilay ay ka tirsanayaaeen kooxda Al-Shabaab, lana soo qabtay ayaga oo falal argagixiso ku lug leh.

Guddoomiyaha Gobolka Bay iyo kan degmada Dooloow, ayaa waxaa wareystay Sahra Cabdi Axmed.

Maleeshiyaad Qaraxyo ku burburiyay Macbad qadiimi ah oo ku yaalla Syria

$
0
0

Sawiro dhanka satellite-ka ah ayaa xaqiijinaya in la burbiriyay macbad qadiimi ah oo kuyaalay maagaalada Palmyra ee dalka Suuriya sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Waxaa jiray warar hore oo sheegayay in uu qarax ka dhacay macbadka Bel ee ku yaala Palmyra, waxaa halkaas gacanta ku haya Malayshiyada Dawladda Islaamka.

Madaxad waxyaabaha qadiimiga ah ee dalka Suuriya ayaa goor hore sheegay in ay sidoodii yihiin waxyaabihii aasaasiga u ahaa dhismahaasi 2000 ee sano jira.

Ururka isku magacaaba Dawladda Islaamka ayaa burburiyay macbad kale oo loo yaqaanay Baal Shemin bishan horaanteedii.

Ururkan ayaa ka soo horjeeda sanamada tilmaamaya in ay Ilaahyo kale jiraan, waxayna hore u burburiyeen meelo hore oo tariikhi ah oo ku yaalla dalka Ciraaq ee ay Suuriya deriska yahiin.

Dowlada Kenya oo wali ka dhamaan’la cafis u fidinta dhalinyarada Keenyaanka ee Alshabaab ku biiray

$
0
0

Booliska dalka Kenya iyo wasaarada arrimaha gudaha dalkaasi ayaa isku raacay in waqti kale oo dheeri ah fursad loo siiyo dhalinyarada dalka Kenya ee kamid ah Alshabaab iney isaga bixi karaan oo ay la midoobi karaan qoysaskooda.

Dowlada Kenya waxay sheegtay iney kordhisay cafiska loo fidiyay dhalinyarada Kenyan-ka ah ee ka mid noqday Al-shabaab iney isaga soo bixi karaan, iyadoo horay fursad kooban loo siiyay sida wasaaradda arimaha gudaha ay xaqiijisay.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya Joseph Nkaissery ayaa sheegay in ay waqti dheeri ay fursad u siinayaan dhalinyarada kenyanka ah in ay Alshabaab kasoo baxaan, wuxuuna sheegay in loo ogolaanayo in ay  nabad dadkooda kula noolaadaan.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in ay sii wadayaan baaritaanka lagu sameynayo dhalinyarada ay soo qabtaan ciidamada booliska ee looga shakiyo Al-shabaab, lana sii deyn doono dadka aan dambiyada lagu helin.

Wuxuu cadeeyay in la doonaya in Kenya ay ogaato asalka dadka dhibaatada ku hayo dalka Kenya, laamaha amaanka ay amaan buuxda siin doonaan dadka muwaadiniinta Kenya ah ee ka mid noqday Alshabaab haddii ay isku dhiibaan laamaha amaanka.

Afhayeenka ciidamada booliska Kenya Charles Owino ayaa sheegay in ay ka warqabaan in dhalinyaro badan oo Kenyan ah ay kamid yihiin Al-shabaab ayna ku og yihiin in ay usoo talaabeen gudaha dalka Soomaaliya, laakiin ay baadi-goobayaan dhalinyaradaasi.

Wuxuu ugu dambeyn dhankiisa sheegay in ay  soo dhaweynayaan dhamaan dhalinyarada dooneysa in ay  reerahooda dib ula midoobaan ayna kamid noqdaan shacabka caadiga ah ee kenyanka ah.

Viewing all 12338 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>